“Muddo Kordhinta Haddii Lagu Wato Ma Ogolin, Laakiin Haddii Ay Tahay Maslaxada Umadda, Waa Qasab In La Qaataa”Suldaanka Guud Ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed
February 22, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Suldaanka Guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, ayaa ka hadlay muddo kordhinta Xukuumadda, ee loo gudbiyey Guurtida, waxaanu sheegay in aanu raali ka ahayn haddii muddo kordhintaasi noqoto mid dan gaar ah laga wato,balse wuxuu tilmaamay haddii ay tahay muddo kordhin maslaxada iyo danta umadda ah inay qasab tahay in la qaato.
Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale tilmaamay in aanay jirin wax dambe oo isku keenaya inay ku midoobaan Somaliland iyo Somaliya, waxaanu Madaxweynaha Somaliya ugu baaqay inuu caddeeyo mawqifkiisa ku saabsan Somaliland, ugu horeyn isagoo ka hadlaya muddo kordhinta ayaa yidhi“Muddo kordhintu haddii dan lagu wato, mise haddii ay tahay maslaxada umadda, dan haddii lagu wato muddo kordhinta ma ogolin, laakiin haddii ay tahay maslaxada umadda, waa qasab in la qaataa”.