Daawo, Kooxda xuutiyiinta oo markii uhoreysay ka hadashay Saldhiga Milatari ee berbera imaaraatku ka sameysanayo iyo Warbixin Xogta heshiis ee aan wali la soo bandhigin …
Hargaisa(Berberatoday.com) Warbaahinta Al-Masiira oo ay leeyihiin kooxaha Xuutiyiinta ee waddanka Yemen qaybtiisa Telefishanka ayaa warbixin layaab leh oo xasaasi ah ka diyaariyey Xaqiiqooyinka Dhabta ah ee Saldhigga Milatari ee Dalka Imaaraadka Carabtu ka samaysanayo Dekedda Caalamiga ah ee Magaalada Berbera kaasi oo ay ku sheegeen in uu yahay Istaraatijiyad Imaaraadku la leeyahay in uu rasmi ahaan Berbera ka dhigo goob lagaga duulo waddanka Yemen si la mid ah Saldhigyada kale ee Imaaraadku ku leeyahay mandaqaddan Marin Biyoodka Baabul Mandab, gaar ahaan Saldhigga uu ku leeyahay Dekedda Musawac ee dalka Eretria, isaga oo Telefishankani sheegay in heshiiska uu Imaaraadku ku ballaadhinayo Dekedda Berbera uu kaliya uga jeedo arrimo Milatari iyo sidii uu saldhiggaasi u shaqaun lahaa.
War-bixintan oo uu diyaariyey soona jeedinayo Wariye Bandar Al Hataar oo Telefishanka Al Masiira ka tirsani waxa ay warbixintiisa oo Wargeyska FOORE dhammaanteed idiin soo turjunnay u dhignayd sidan:
“Kadib markii Dawladda Imaaraadka Carabtu Saldhig Ballaadhan oo ay kaga soo duusho waddanka Yemen ka samaysatay Dekedda Casa bee waddanka Eretria, waa tan mar kale isku diyaarinaysa in ay saldhig ballaadhan oo Milatari ka dhigato Dekedda Berbera oo ku taalla waxa lagu magacaabo Jamhuuriyadda Somaliland oo ah Gobol Bishii May 1991 ku dhawaaqay in ay gooni uga joogsadeen Waddanka Soomaaliya walise aan haysan ictiraaf Caalami ah. Dekedda Berbera oo kulaalaysa marin Biyoodka caalamiga ah ee Baabul Mandab oo ka mid ah goobaha adduunka ugu xasaasisan oo ay isaga gooshaan Maraakiib badani kana mid ah marin boyoodyada adduunka ugu muhiimsan ayay Imaaraadku doonayaan in ay Saldhig ballaadhan oo Milatari ka samaystaan iyaga oo gacan ka helaya xukuumadda dawladda aan wali la ictiraafin ee Somaliland kuwaasi oo dhawaan Golahooda Baarlamanka ka ansixiyey in Imaaraadku saldhiggaasi ka samaysto Berbera”.
Wariye Bandar Al Hataar oo warbixintiisan sii wataa waxa uu yidhi: “Shirkadda Imaaraadka Carabta laga leeyahay DP-World ayaa la wareegi doonta oo maamuli doonta Dekedda Muhiimka ah ee Berbera muddo 30 sannadood ah kuna maal-gashan doona maal-galin lacageed oo lagu sheegay 442-Milyan oo Dollar, lacagtaasi oo lagu dhisi doono Saldhiggaasi Milatari. Inkasta oo Goobta Saldhiggaasi Imaaraadka laga siiyey ay muhiimad ballaadhan u leedahay waddanka Yemen haddana sida ay baahinayaan wakaalado reer Glabeedka ahi waxa ay xaqiijinayaan in dalka Imaaraadka Carabtu Dekeddaasi Berbera u baddalayo gabi ahaanba Sal-dhig Milatari oo ay ka haadaan soona degaan Diyaaradaha dagaal ee Imaaraadku kuwaasi oo taageeraya Duullaanka Milatari ee dalalka Carabtu ku hayaan waddanka Yemen. Waxa kale oo la is waydiin karaan sida dawladda Imaaraadka Carabtu ula tartami karto dalal badan oo quwado adduunka ah oo mandaqaddan gaar ahaan marin Biyoodka Baabal Mandab ay ciidamo ka joogaan saldhigyana ku leeyihiin, goobtaasi oo ah goobaha adduunka ugu xasaasisan iyada oo Imaaraadku hore ugu guulaystay in ay saldhigyo ku yeeshaan dalalka Eeretariya iyo Soomaaliya halka ay sidoo kale Mustaqbal ahaan doonayaan in ay saldhig ku yeeshaan Jasiiradda Suqadra oo uu Faarhaadi iibiyey muddo haatan laga joogo Hal Qarni iyo dheeraad. Dawladdan yare e Imaaraadka oo u dhago nugul ama ay gacanta ku hayaan dalal badan oo shisheeye sida Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa waxa arrin xusid mudan ah in Ninka u qaabilsan Ilaalada madaxtooyada dalkaasi Imaaraadku uu yahay Janaraal dhalashadiisu tahay waddanka Australia oo lagu magacaabo Maichin Manch. Dhammaan xaqiiqooyinkaasi waxa ay xaqiijinayaan in dawladda Imaaraadka Carabtu tahay waddan u adeegaya quwadaha waaweyn oo uu ugu weyn yahay Maraykanku oo doonaya in uu sii adkeeyo joogitaankiisa Mandaqaddan Baabal Mandab oo uu dano istaraatiiji oo weyn ka leeyahay si uu u sii joogteeyo haysashadiisa Baabal Mandab”. Si kastaba ha ahaatee waxa maalinba maalinta ka dambaysa isa soo taraya xogaha qarsoon ee laga helayo saldhigga xukuumadda Somaliland dabada ka riixayso ee ay ku wareejinayso Marsada Caalamiga ah ee Berbera oo dhammaantood xogahaasi ay isugu soo biyo shubanayaan in uu yeelan karo cawaaqib xumo dhinaca amniga ah oo dadka reer Somaliland aad uga walaacsan yihiin.