berberatoday.com
Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen Oo Jawaabtii Ugu Adkeyd Siiyey Faysal Cali Waraabe”Burus Qayl Biyaha Ceel Ma Sido, Mana Baqool Daayo… Ninkaa Hangoolka Sita Ee Waraabe U Taaga Ah Ee Xisbigii Qaran NGO Yar Ka Dhigtay Oo Doorasha Iyo Guul Dan Ka Lahayn.. Xildhibaanaddii Golaha Deegaanku Halkii Ay Kuugu Yimaadeen Bay Ku Dhigeen, Runtii In Aad Jeel Ku Jirto Bay Ahayd Faysalow Maaha In Adigoo Cidi Ku Dooran Oo Boqol Jeer Dhacay”.
February 23, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Musharraxii la Inqilaabay ee Xisbiga Ucid mar kale sabab u ahaa inuu helo shahadada xisbinimada Md. Jamaal Cali Xuseen ayaa si kulul uga dareen celiyey dacwad khayrul sharci oo musharraxii xisbigaas ragaadiyey ee Eng. Faysal Cali waraabe sheegayo inuu ka gudbinaayo Xildhibaanadii usoo saaray xisbigaa uu hor jooggaha ka yahay.

Md. Jamaal Cali Xuseen waxa uu ma dhacdo aan siba u suuroobeyn ku tilmaamay falkan uu Faysal Cali waraabe ka dhawaajiyey, isagoo ugu baaqay in aanu ku riyoon dacwad dambe sharci darro wax loogu xukumo. Sidoo kale, waxa uu Md. Jamaal cali Xuseen xasuusiyey Faysal Cali waraabe inuu isku cumaamaday Musharraxnimo uu dhacay, iyadoo uu intaa ku darray in xildhibaanadii golaha wakiiladda ee xisbigaas doorashadii hore ugu soo baxay aqalka golaha wakiiladda uu hadda ka madhan yahay, isla markaana ay mudanaayashaasi kamid yihiin labada xisbi qaran ee Mustaqbalka Siyaasadeed leh ee Waddani iyo Kulmiye.

Sidoo kale, Md. Jamaal cali Xuseen waxa uu sheegay inay ahayd, hadii sharci shaqeynaayo inuu Faysal Cali Waraabe xabsiga ku jiri lahaa hadda, isagoo xasuusiyey guuldaradii labada jeer ka helay shacabka dalka. Sidaasna waxa uu ku sheegay Md. Jamaal Cali Xuseen qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook. Qoraalkaas oo u dhigan sidan.

“Kkkkk Waar bal adduunkan idinku eega halka kii sharci darada laftigiisu ahaa isagoo murashaxnimo Uu xaday OO khiyaamo Si badheedh ah u qirtay, siduu isku caleemo saaray la ogaa Ee iyo isagoo sharciga dalku Uba ogoleyn inuu 3 jeer is sharaxo, haddana leh xildhibaano cod shacbi ku soo baxay ayaan badeli karaa. Xildhibaanadani waxay xisbigga iskaga sharaxeen OO u soo saareen waadigii qirtay Inaad khiyaamaysay, markaa sharciga kuu ogolaanaya Inaad adigu dadka waxaad doontid sameysid OO sharci daro isku sharaxdid musharax Waraabe u taaga Oo laba jeer OO hore 15% ka hooseeyey, Xildhibaanadii xisbigga lahaa Ee soo saartayna Inaad badali kartid, sharciga taasi ogolaada maaha sharci Ee Waa dulmi mana dhacayso. Ha ku riyoon tani. Xildhibaanadii Baarlamaankuba waa kuwii Waddani galay Ee maxaa jira Ee cid walba uga carartay UCID, ninkaa hangoolka Sita Ee Waraabe u taaga Ah Ee xisbigii qaran NGO Yar ka dhigtay OO doorasha iyo guul Dan ka lahayn. Xildhibaanaddii Golaha deegaanku Halkii ay kuugu yimaadeen bay ku dhigeen maadaama Aad khiyaameeysay ood weliba qiratay in bakhtigu Xalaal kuu ahaa. Runtii in Aad jeel ku jirto bay ahayd Faysalow maaha in adigoo Cidi ku dooran OO boqol jeer dhacay Aad Indho adkaan la timaado. Xisbigga dadkii soo saartay haday ku daayeen adigaaba nasiib leh, Ee meelahaagaasi ka caytan ileyn marnaba doorasho guul ka keeni mayside. Burus qayl Biyaha ceel ma sido, mana baqool daayo”. Ayuu ku yidhi mudane Jamaal cali xuseen qoraalkiisaas.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews