Saldhigga Milateri Ee Afarta Ruux Fool-eryeeyaan Far Baa Ku Godan Waana La Hubaa. W/Q Cali Jaamac Diiriy
February 23, 2017 - Written by Berbera Today
Saldhigga milateri ee afarta ruux fool-eryeeyaan far baa ku godan waana la hubaa.
Maalmahii u danbeeyey waxaa Somaliland lasoo darsey shirqool qorsheysan oo sharciyadii dalku lahaa lagu jebinayo,shirqoolkan oo debibeda lagasoo abaabuley nasiibdaro loona soo dhiibey rag lagu sheegey masuul qaran balse dad badani ogyihiin in lagu soo xushey inan buu qabaa iyo adeer baa looyahay khibradna aan lahayn wadaniyaduna ku daba yartahay.
Anigoon hadalka badineyn halkan waxaan isku deyeyaa in aan soo bandhigo oo aad ila wadaagtaan afar masalo oo laba yaab tahay laba kalena yaabka yaabkii tahay.
Waa tahoree, yaab iyo uqaadan waxaa noqday markii la arkey xildhibaanadii golaha wakiilada jsl oo jujuub iyo jidhdil loo geysanayo iyagoo shaqadoodii gudanaya,waxa la isweydiinayaa Saleebaan Aadan miyaanu ogeyn in xildhibaanadu cod shacab ku fadhiyaan kuraasta???!!!!!!!! …… Halka kursigiisu isxambaar ku yimi cod shacabna lagu soo dooran.!!!!!!
Waa ta xigtee, yaab iyo ceeb qaran waxaa noqday haybadii dawladnimo oo meesha ka baxday, kadib markii labadii wasiir ee gaashaandhiga iyo arimaha dibbadu goobta aanay ka muuqan shaqadoodiina ay kala fulinayeen Saleebaan Aadan iyo Baashe Cawil halka Wasiir samsam iyo wasiir maxamuud xaashi ahaayeen xoojin.Waxa xaqiiq ah in labada wasiir ee xilkii laga horor sadey ceebeysan yihiin denbi weyna qaranka ka galeen , denbigaas waxay kaga bedbaadi karaan kali ah in ay si deg deg ah isu casilaa weliba aqoonta Dr. sacad cali shire haday intaa garan Kari weydo waxaanu leenahay aqooney ba’ iyo tacab khasaar weyn,waxaan dr.sacad u soo jeebinayaa in uu barto oo xaafido ducada odhaneysa(Eebow isii Cilman naafican, Wa risqan waasican wa camalan mutaqabilan)cilmigaagu hadaanu ku tusi Karin meesha karaamadaada wax loogu dhimayo nafcigiisa wax baa kadhiman ee ducayso wasiir.
Waa-ta saddexaade, yaabka-yaabkii waxaa noqday oo aad loo hadal hayaa inagoo ka dheregsan qaabdhismeedka bulshadeenu u dhisantahay iyo weliba sida ay wax u faaqidaan ,in laga dhex arkey saddexda masuul ee saldhigan aadka u doonaya xoogna u adeegsadey meel marintiisa , sharci-daroba ha ahaatee in ay noqdeen M/weyne Axmed Siilaano beeshiisa taasina keentay in bulshadu isweydiiyo su’aalo tiro badan badan ilaa hadana cidka jawaab celisa aan laheyn.Hadal heynta kale ayaa Iyana aheyd saddex nin oo markiiba marag aan xigmad iyo kafiirsasho toona laheyn furey ragas oo kala ahaa cabdi waraabe ,xildhibaan Nac-nac iyo Faysal cali waraabe balse dad badan baa yidhi waar ku waasi waa caadeystayaal xisbiga kulmiye intuu sharci soo jebiyeyba maraga furayey, sidaasna wax miisan ah aan lasiin haba yaraatee.
Masalada afaraad uguna danbeysa, waxaan daawadey wareysi tv-ga horn cable ka qaadey Baashe Cawil isagoo leh wax dhaqaale ama kiro ah oo aan kula heshiiney ma jirto haba yaraatee ,waa fajiciso iyo uqaadan waa !!!!!!!!!!!!!!!!.
Waxay noo hirgelin doonaan mashaariic horumarineed buu yidhi.
Saaxiibayaal, wareysigani wuxuu ii xoojiyey tuhun aan qabay oo ah xadiga oqoondaro ee haysata masuuliyiinta talada dalka haya . waxaan soo bandhigi doonaa qoraal ku saabsansaldhigyada mandaqada laga bixiyey iyo dheefta ay dalalka deriskeenu ka helaan.