Shaqaalaha la xaqiray ee Dekeda Berbera waa in aanay Weysada dhowran ee ay Xaqooda oo buuxa baadi-goobaan. Qalinki A/rahman fidhinle UK
February 23, 2017 - Written by Berbera Today
Shaqaalaha Dekedu waa in aanay weysada dhawran ee waa in ay xaqooda iyo xuquuqdooda gaarka ah ka hadlaan si cokan oo Dimuqraadi ah, waana in ay Qareeno u dooda qabsadaan. Dhuuxa iyo duxda dimuqraadiyadu waxay koobaysaa in shaqsi kastaa xornimadiisa iyo xuquuqdiisu ay u cadaato oo uu helo, sidaa daraadeed waa in la ilaaliyaa xaqa iyo xuquuqda shaqaalaha ka shaqeeya Dekeda Berbera iyo inta ku xeeran. Shaqaaluhu waxay xaq u leeyihiin in ay u dacwoodaan xuquuqdooda iyo danahooda u gaar ka ah iyaga oo ku doodaaya in ay la xuquuq noqdaan shaqaalaha DPWorld ee Dekedaha aduunka ka shaqeeya maadaama aanay xuquuqdoodu ku cadeyn heshiiska mugdiga badani ku gedaaman yahay ee lagu dhaxal wareejinaayo Dekeda Berbera 30-ka Sanadood ee soo socda.