|
berberatoday.com
Heshiiska Rasmiga ah Ee Saldhigga Millatari Iyo DPWorld Ma Madaxweyne Siilaanyo Ayaa Saxeexaya Mise Farmaajo? (Xog) Sakariye-Awaare: –
February 24, 2017 - Written by Berbera TodayHargaysa(BErberatoday.com)- sida aynu wada ognnahay waxa ay xukuumaddan Siilaanyo labada gole ka ansixisay nuxur qoraal ah oo aan heshiiskii rasmiga ahaa ee ay wada galeen dawladda Imaaraatka sida uu caddeeyey Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi, bal se uu hadhsan yahay heshiiskii rasmiga ahaa ee ay labada dhinac ku kala saxeexanayeen bixinta iyo degista Saldhigga Millatari ee Berbera.Arrintan oo aanay Xukuumaddu marnaba si faahfaahsan ugu sharraxin bulshada haseyeeshee, mudanayaasha labada Gole ee Guurtida iyo Wakiillada ku afduubatay dhaameel oo aanay iyaga laftoodu fahansanay ba waxa ay ansixinayeen, inkasta oo anay shacabku ku wada qancin tallaabadaasi haddana waxa jira dareenno iyo xanshashaq faro badan oo ku wajahan in Soomaaliya ay qayb ka tahay heshiiskan, iyada oo aad loo hadal hayo in Madaxweynihiihore ee Xasan Shiikh uu ahaa xuddunta iyo udub dhexaadka heshiiskan Saldhigga, haatanna Farmaajo socdaalkiisa xilligan ee Boqortooyada Sucuudiga oo la filayo inuu uga sii gudbi doono Waddanka Imaaraatka Carabta, si uu u soo dhammaystiro Heshiiska Saldhigga Millatari iyo DPWolrd ee dekedda Berbera. Hadda ba su’aasha is weyddiinta mudani waxa weeye, heshiiska yaa la galay Imaaraatka ma Somaliland mise Soomaaliya, se yaa dhinaca Somaliland u saxeexaya ma Madaxweyne Siilaanyo mise Farmaajo?. In su’aalahan ummaddu is weyddiiso waxa sabab u ah madmadowga ay gelisay Xukuumaddu heshiiskan iyo sida ay ugu dhiirran tahay una gacantogaalaynayso Soomaaliyi.Haddaynu dib ugu noqonno kelmad ka mid ah hadalladii uu Siilaanyo ku dhalliilayay Daahir Rayaale Kaahin xilligii mucaaradka ku ahaa. Waxa aynu ka haynnaa: “ma dal aan la aqoonsanayn ayaa heshiis la gala dawladaha caalamka, ma dal aan la aqoonsanayn ayaa shidaal loo qodaa, bal beentaas uu Daahir Rayaale inoo sheegayo eega” hadda ba maanta maxaa is beddelay innagu odhan maynno Siilaanyo been ayuu inoo sheegayaa bal se miyaanay u muuqan inay Soomaaliya u daba fadhiisanayaan, arrimahan Farmaajana wax kajiraan. Qormaddan aan kusoo gunaanado tuduc kamid ah Maansadii Ibraahim Gadhle ee ahaa.
“Daawadeey hashaydaayDanbaskaan ka leexshaaCagahay dab gelisaa,Dhulka meesha dulunka lehKa duwaan idhaahdaaWaxa loo dareershaaHalka ugu dugaag badan” Ibraahin GadhleSakariye Saxardiid Axmed (Awaare) HadhwanaagnewsEmail: Sakariye87@gmail.com
COMMENTS
|
||||
|
|
|||||