berberatoday.com
Xog Culus Oo Ku Saabsan Saldhiga Milatari Ee BerBera”W/Q Cali Jaamac Diiriye”
February 24, 2017 - Written by Berbera Today

Salaan, baan u dirayaa dhamaan shacab weynaha S/L siiba kuwa nasiib u heley in ay ila wadaagaan qormadan oo aan hore ugu balan qaaday soo diyaarinteeda,kadib markii aan daawaday wareysi Baashe Cawil siiyey Horn Cable TV,15/2/2017.

Isagoo wareysigaas ku sheegey in habayaraatee wax kiro ah ama dhaqaale ah laga qaadin Isutaga Imaaraadka Carabta ee xukuumadda Kulmiye saldhigga badda ee milateri siineyso, balse ay ka sugayaan mashaariic horumarineed oo ay inoo fuliyaan sida jidka isku xidha Berbera- Wajaale (wuxuu hilmaamey in mashruucani hore ugu jirey kireyntii dekedda ee shirkadda DPW….)markiiba maankeyga waxaa kusoo dhacey masuuliyiinta xukuumadda iyo xisbiga kulmiye caqli xumada,aqoon darada iyo wadaniyad la’aanta haysata.

pastedImage(9)

Bogcadda dalkeenu ku taal siiba BERBERA ,ILAAHAY baa qiimo sare u yeeley.waxaana la dhaafsankaraa saldhig laga bixiyo ICTIRAAF!!!! iyo waxaan ka yareyn.

Waxaa isweydiin mudan tolow maxay ka tahay taladan raqiiska ah ee ay go’aansatay xukuumaddu??????!!!!!!!!!!!!……………………..

Anigu aad baan ugaranayaa ujeedadooda, xukuumaddan bilaha faro ku tiriska ah u hadhsan yihiin ee qiimo ridka ku samaysay hantidii u qiimaha badneyd ee JSL mulkido.

Dadka aan fahan saneyn baan u soo bandhigayaa xogtan xukunkana waxaan u dhaafayaa muwaadin kastaa in uu qiimeysto isagu in la qiimo riday hanti aad u qiimo badan iyo in kale oo leyska maagaayo.

MARINKA BADDA CAS:Marin biyoodka badda cas waa marin dhaqaalaha dunida macno weyn u leh oo sannadkii waxaa mara 20000kun oo Markab oo sida badeecado kala duwan una kala goosha daafaha dunida.Waxaan ognahay in dagaalo ka holcayaan bariga dhexe iyo geeska Africa ,waxa lagu hirtamayaa sugidda nabadiisa iyo waliba gacan ku heyntiisa,waxaad moodaa in uu soo noqday dagaalkii qaboobaa oo haatan u dhexeeya  Raashiya,reer galbeedka iyo waliba shiinaha oo isna quwad kale noqday.Sucuudigu waxa uu sameeyey xulafo ka kooban 34dawladood oo uu kaga hortegaayo Xuutiyiinta, Imaaraadku waa ka mid xulafadaas, waxa la rumeysan yahay in reergalbeedku dabada kaga naban yihiin isbahaysigan milateri halka Iran ay caawiso xuutiyiinta ruushkuna dabada ka riixayo Iran.Horta meesha loolan kaa caalamiga ha baa yaal.

Aan usoo noqdo Saldhigyada milateri ee laga bixiyey dalalka aan jaarka nahay sida Eritrea iyo Djibouti.

Eritrea: saldhigyo waxaa ku leh Israa’iil iyo Isutaga Imaaraadka Carabta oo ka samaystey 2015kii wuxuu ku yaalaa magaalo xeebeedka Casab mudda heshiiska kiradu waa 30sannadood,yaman baa laga duqeeya saand milateri oo badana waa taalaa, ciidamo yamani ah waa lagu tababaraa wixii loojistiko ahna waa loo isticmaalaa.Saldhiggu wuxuu ka kooban yahay madaar badda dheega ku haya sida keena Berbera, dhabahiisu waa ilaa 3500mitir oo lagu sameeyey dayactir iyo dhismayaal casri ah oo lagu kordhoyey,deked cusub cabirkeeduna yahay 250mitirX250mitir looguna talo galey maraakiibta dagaalka.Bedka dhulka saldhiggu kama badna 10km oo isku wareeg ah.

Maxay dhaasadeen?……Nasiib wanaag bacdamaa ay yihiin dad danta dalkooda ka hormarinaya tooda gaarka ah  waxay dhaafsadeen.

1-Wax ale wixii shidaal dalku ubaahan yahay noocuu doona ba hanoqdee……

2-Kabis dhaqaale oo toos miisaaniyadda dalka lagu kabo oo weyn……….

3-Mashaariic horumarineed oo kala gedisan sida waxbarashadda ,caafimaadka, jidad iwl.

DJIBOUTI:Waa dal yar oo aan deris nahay,dadka ku nool waxaa ka badan Inta Hargeysa ku nool.Qiyaas ahaan waa 850000qof bedka dalku waa 23200km2, halka JSL tahay 237600km2 tirada dadkuna tahay 4.5miyan oo qof.Farnsiisku cagtii u horeysey wuxuu  soo dhigey OBOKH 1862.Saldhigyada ay bixisey waxay dhanyihiin 7 saldhig oo kala ah.Mareykanka,Faransiiska,Sacuudiga,Jabaan,Shiinaha,Jarmalka iyo Spain.Saldhiga ugu weyn waxa leh mareykanka, mudada heshiisku waa 10sano wuxuu kiro bixiyaa $63milyan sanad walba,Shiinaha heshiisku 10sano,kiradu waa $20milyan sanadkiiba, bedka saldhigu 1km2, waxay u qaaday deked yar oo laga dhisey wershad maraakiibta iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca lagu dayac tiro iyo ciidamo khaas ah.Fransiis wuxuu kiro bixiyaa ilaa 23milyan sanadkiiba sidaas uun uwad,waxa intaa udheer dawladkastaa mashaariic horumarineed bey ku caawisaa djibouti wadarta kirada sanadkii u xaroota dawladdu waa ilaa $300milyan.!!!!!!!!!!!!!!!!!!!! Akhriste miyaaney kaga xoorin,!!! Allow rag dhe waar dalkooda jecelaa waxaad ka garan kartaa waliba kadarane baaxadda dulka saldhigyadaas oo la isku daraa ma dhaafsana 15km2 halka dhulkeenii layidhi 70km2 baa loo xidhayaa!!!!!!!!!!!!. Dad aan ka mid ahay baa aaminsan in SUN LAGU AASAAYO!!!!.

MA SAHLANA ARINKU. Tukale ayeenu yeelen ….Wabilaahi tawfiiq………

Waa qalinkii : Cali Jaamac Diiriye ,UK

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews