berberatoday.com
Malxiisadii Ninka Isku Badeshay Oo Maxkamada Gobolka Moroodi Jeex Ka Garnaqi Doonto Iyo Dhacdada Kiiskii Ugu Layaabka Badnaa Ee Somaliland Ka Dhaca
February 25, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Dhacdad anfajaca iyo amakaaga galisay bulshada qaybeheeda kala duwan ayaa ka dhacday Todobaadadii ina soo dhaafay magaalada hargeisa , mid ka mida xaafadaha magaalada hargeisa oo ka tirsan degmada Axmed Dhegax, ayaa dhawaan waxa isku Aroosay lamaane wiil iyo Gabadh, waxaana wiilkan Arooska cusub Galay ka shaqeeyaa mid kamida warshadaha kala duwan ee soo saara roodhida la cuno.

maxkamada gobolka maroodijeex

Waxaanu u tagaa shaqada subaxda hore ee waabariga 5:00 subaxnimo, haddaba arooskan Cusub ayaa markii ay wadda Noolaayeen Muddo ku dhaw ilaa todobaad, wiilkii gabadha qabay maalin uu ka joogay shaqadii Sabab xanuun uu ka cabanayey, waxaa maalintaas badankeedii uu ku Qaatey guriga oo ay ku wehelinayeen Ooridiisan cusub iyo Gabadh u ahayd minxxiisada oo xijaab iyo Niqaam ku labisnaan jirtay inta uu gurigo joogto.

Haddaba Maalintaa uu shaqada ka oolay ninkani oo ilaahay wax kale ku tusayey ayaa waxa uu maqlay galinkii danbe ee maalintii cod ku sheekeysanaya qolka kale ee aqalka, oo ka duwan codkii dumarka ama haweenka, waxaanu u fahmay in gurisa uu ku jiro qof ragg ahi, waxaanu u yeedhay gabdhii uu qabay oo uu waydiiyey qofka la jooga ee la hadlaya ee u fahmay inuu cod ragg yahay, waxaanay gabadhii ugu jawaabtay waa aniga iyo heblaayo oo ah minxiisadii guriga kula noolayd, mudadan arooska ay ahaayeenba, kadib markii uu ninkii ku qanci waayay jawaabta ay siisay gabadhiisu waxa uu u baxay Dibada waxaanu tagay Saldhiga, waxana lagu soo daray laba Askari oo usoo raacay gurigiisii, Markii ay yimaadeen Askartii Gurigii ayey ugu yimaadeen labadii Qof , waa afadiisii iyo Gabadhii u Minxiisada Ahayd, Askartii waxay Niqaamkii iyo Xijaabkii ka Tuureen Gabadhii Minxiisada ahayd, mise waxaaba kagaga soo baxay Qof Ragg ah, Fajac iyo Amakaag ciidankii iyo Ninkii guriga lahaa , ka Dib waxay Labadii qof u kaxeeyeen Saldhiga waa Gabadhii uu qabay iyo Gabadhan Minxiisada ahayd ee isku bedeshay Ninka.

Dhacdadan oo badiba ka yaabisay dadka intii maqashay ayaa la filayaa in maxkamada Gobolka maroodi jeex maanta la hokeeno baadhis dheer ka dib. waxaana warar xogogaal ah oo aan helayno sheegeen in markt la waydiiyey gabadhan aroosada ahayd sababta ninkan ugu qarisay saygeeda ee uu ugu labistay dharka haweenka ayey sheegtay inuu yahay Ninkeeda Dhabta ah ee Qabay bal waynu Sugi waxa ka soo baxa kiiskaasi.

 

 

 

Berberatoday.com

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews