berberatoday.com
Maareye Kuxigeenka Dekeda Berbera Oo Aanu Saxeexiiso Banka Iyo Khasnada Dekeda Toona Ka Shaqayn Xili Uu Maareyihii Dekedu Dalka Debediisa Ku Maqanyahay Iyo Ashkato Uu Madaxweyne Kuxigeenka Udiray Oo Socon Weyday
February 26, 2017 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Maareye Kuxigeenka Dekeda Berbera Cabdi Cabdillahi Xasan-mataan oo ahy masuul shaqadan ku cusub mudo afar shan bilood kusimana kamida ahaa mamulka Sare ee Dekeda Berbera wakhti xaadirkana kusii magacaaban Maareyaha Dekeda Berbera ayaa haba yaraatee aanu saxeexiisu ka shaqayn banka Berbera iyo khasnada Dekeda Berbera marka laga reebo shaqo yar oo kooban oo Maamulkka Dekeda iyo kala socodsiinta badeecadaha ah Mooyaane.

Maareye Cabdi Cabdillahi Xasan-mataan ayaa saaka Maamulka Banka Berbera kalahaad ugu tagay isaga oo ka codsaday inay aqbalaan saxeexiisa si uu Lacag ugala baxo Saduuq Xisaabeedka Dekeda Berbera ku leedahay Banka, Maamulaha Banka Berbera Xasan Nuur(Xasan Kharash)oo ah khabiir dhinaca shaqada baananka Ku Takhasusay ayaan maareye Kuxiogeenka oo qar jafaaya ugu caqli celiyay inaanu uhaynin waraaq xil wareejinaya ama uu Maareyaha ka sareeye ee Dekeda Berbera axmed Yuusuf Dirir qoray oo fasaxaysa Saxeexa Maardeye Kuxigeenka mudada uu dalka debediisa ku maqanyahay sida sharcigu dhigayo, waxaana sidaas usheegay dad goob joog aha markii labadan masuul iswaydaarsanayee hadaladan goobtuna ay ahayd Xafiiska Maamulaha Banka Berbera.

Maareye Kuxigeenka Dekeda Berbera Cabdi Cabdillahi Xasan-mataan oo aanay wax badan oo Maamulka Dekeda ahi ubixin mudadii uu Maareeye Kuxigeenka Dekeda Berbera ahaa ayaa islamarkii hadalkaas ay isweydaarsadeen Maamulaha Banka Berbera u ashkato tagay Kusimaha Madaxweynaha Somaliland ahna Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Seylici isaga oo tilifoonka gacanta ka wacay una sheegay in caqabadaasi haysato isaga oo Maamulkii Dekeda Berbera masuul kasii ah,

Cabdiraxmaan Seylici ku Simaha Madaxweyne Somaliland ahna Madaxweyne Kuxigeenka ayaa la sheegay inuu ugu soo jawaab celiyay inay tahay sharcidaro in aanu saxeexiisu shaqayn isaga oo Maareyihii Dekeda Berbera uga sareeyay dalka Debediisa ku maqanyahay arintaas eedeedana uu leeyahay isaga Maareye Kuxigeenku sababtoo ah waxa ay ahayd inuu waraaq xil wareejina ama saxeexiisa lagu ogolaanayo oo Maareyeha kasareeya kasii qorto ka hor intii aanu dhoofin waa sidda sharciga Maamulku dhigayo hadiiba Masuulka sare dalka Debnediisa ubaxayo waa inuu saxeexa Maamulka Goobta kusii wareejiyaa Masuulka ka hooseeya ee shaqada sii wadaya,

Maareye Kuxigeenka Dekeda Berbera Cabdi Cabdillahi Xasan-mataan ayaa shaqada Maamulka guud ahaan ay ku cusubtahay ilaa hadana waxaad moodaa inaanay udhaadhicin qaabka shaqada Dekeda sidoo kale waxa uu damacsan yahay oo qorshihiisu ahaa inuu lacag xadigeedu badan yahay lasii baxo mudada kooban ee Maareeyihii sareyay dalka debediisa ku maqanyahay.

Bilihii udanbeeyay ayaa waxa Dekeda Berbera Maamulkeeda usareeyaa kala hororsanaayay Lacagta adag ee khasnada Dekeda berbera kusoo dhcda iyada siyaabo kala duwan Maareynta Dekeda Berbera lacagtaas ula baxayeen iyada oo mudo kooban oo shan maalmood lagu sheegay ka hadhsantahay wakhtigii loo cayimay in Maamulka Dekeda Berbera lagu wareejiyo Shirkada Macaash doonka ah ee DP World,

 

 

Berberatoday.com

 

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews