Daawo Muuqalka”Axmed Shalakho Oo Hore Ugu Soo Shaqeeyay Haayadaha UNDP Iyo WFP Oo Xaquuqdiisii Baafinaya Iyo Digniin Uu Udiray Shaqaalaha Dekeda Berbera Ee Shirkada DP World Bilaa Shuruuda Shaqada Kula Bilaabay Iyo Jab Uu Soo Maray Uu Ka Sheekeeyay
March 1, 2017 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Axmed Muuse Ciise oo loo yaqaano Axmed shalakho oo kamida shacabka reer Berbera ama Gobolka Saaxil oo mudo dheer usoo shaqeynaayay Haayadaha Caalamiga ah sida UNDP Iyo WFP ayaa kawaramay Xaq iyo xuquuq uu lahaa oo kaga maqan haayadahaas oo wax ay uga qaban wayday Xukumada somaliland iyo haayadaha Garsoorka Qarankuba.
Axmed Shalakho ayaa sidoo kale fariin digniin culus xambaarsan udiray shaqaalaha Dekeda Berbera ee shirkada Macaash doonka ah ee DP World sifaha bilaa shuruudaha ah shaqada ula bilaabay shirkadaas iyaga oo aan heshiis ama Contract la galin islamarkaana aanay dhex joogin hayadii shaqaalaha ee Somaliland oo heshiiska shaqaalahan iyo shirkadan ay mihiim ahayd inay dhex joogto.