War Deg Deg Ah”Lacagtii Maanta La Qabtay Ee Hawl Socod Siinta Dekeda Berbera Oo Lagu Daabulay Xawaalada Dahabshiil Ee Berbera Iyo Bankii Dawlada Oo Hawanaya
March 2, 2017 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Iyada oo maanta uun Maamulkii Dekeda Berbera lagu wareejiyay Shirkada DP World ilaa manta wixii maaliyad ah ee hawl qabadka Dekedana lagu qabaanayay Juwanada ama Documentska shirkada DP World ayaa waxa isla galabta la arkaayay iyada oo lacagtii kasoo xerootay maanta hawl socodsiinta Dekeda Berbera oo lagu daabulayo xarunta shirkada Xawaalada Dahabshiil ee Berbera halka hore lacagtaas loogu xereyn jiray Banka Dawlada ee Berbera,
Markii aanu ukuurgalnay sababta keentay in Lacagtii Dekeda kasoo xerootay ee ay ahayd in Banka Dawlada lagu shubo loogu shubayo shirkada xawaalada ee Dahabshiil aya waxa la sheegay in Sanduuq Xisaabeed ay shirkada DP World ka furtay shirkada Xawaalada Dahabshiil ee Berbera islamarkaana wixii dakhli kasoo xerooda Dekeda Berbera ay shirkadu dhigan doonto Xawaalada Dahabshiil Bankeeda.