berberatoday.com
Reer Ruwanda Oo 20 Sannadood Ka Hor Is Xasuuqey Haatan Sannadka 2020-ka Waxa Ay Hiigsanayaaan Horumarka Magaalada Chicago ee Dalka Mareykanka iyo Dalka Singapore.( Fadlan Walaal Akhri Warbixin Arimahaas Ka Hadleysa.)
March 3, 2017 - Written by Berbera Today

Qiyaas oo sawiro haddii Dawladdii, Culimaddii, Waxgaradkii iyo Shacabka ummaddi leedahay ay ku heshiiyaan in ay xasuuqaan qayb ka mid ah dadkii ay wadanka kuwada noolaayeen, waxaa xaqiiqdii kuu soo baxaya in ay adag tahay cid badbaadaysa. taasi waa sababta muddo boqol maalmood gudahood ah loogu dilay dalka Ruwanda tiro ku dhaw hal malyan oo qof. Xasuuqii Ruwanda ka dhacay waxaa lagu tilmaamaa dhacdo ka mid ah dhacdooyinkii ugu foosha xumaa uguna murugadda badnaa Qarnigii labaatanaad. Waxa laakiin aad u yaab badan Ruwanda iyo halka ay marayso maanta.Wadanka Ruwanda waxa u soo baxay Hogaamiye aragti dheer leh (Visionary Leader) Hogaamiyahaasina waa madaxweyne Paul Kagame waxa uu ka soo jeeda qabiilka la xasuuqay ee Tutsiga waana Hogaamiye diidey aargoosi, maal urursi, caadifad qabiil, shakhsi la ficiltan, musuqmaasuq iwm. Ninkan waa ninkii Alle ka sakow Ruwanda ka joojiyey xasuuqii isagoo wata jabhadisii, laakiin markii awoodu gacanta ay u soo gashay muu samayn wixii isaga iyo qabiilkiisa lagu sameeyey. Ma u malaynaysaa in caasimada dalka Ruwanda ee Kigali ay maanta tahay Caasimadda ugu Nadaafada badan Khaarada Afrika, marar hore oo badana ay ku guulaysatay tilmaantaa. Ma u malaynaysaa in wax musuqmaasuq (Corruption) ahi gebi ahaanba aanu ka jirin Ruwanda iyada oo dadku ay sabool yihiin shaqo la’aanina ay hayso in badan oo ka mid ah. Ma u malaynaysaa in online aad ku dalban kartid wax kasta markaad joogto Ruwanda adigoo gurigaaga jooga. Ma u malaynaysaa in qof kasta oo muwaadin ahi uu ka baqayo in bishu marka ay 30 gaarto isagoo aan cashuurtii bixin isla markaa uu bilaabayo cashuur bixinta laga bilaabo 25ka bisha isagoo tegeya feyl u galaya xafiisyadda dawlada ama online systemka ku bixinaya. Ma u malaynaysaa in dadka Ruwanda la soo baxaan waxay cunaan. Ma u malaynaysaa in dadku safaf u galaan basaska dadweynaha ee u kala goosha xaafadaha magaaladda halka ay ka gaareen nidaam iyo ixtiraam, hadda waa dadkii shalay is xasuuqayey, laakiin Hogaanka aragtida dheer awgii bay muddo gaaban halkaa ku gaareen. Ma u malaynaysaa in qofka reer Ruwanda ahi uu sheegto haddii la weydiiyo qabiilkiisa. Ma u malaynaysaa in Ruwanda ay hiigsanayso Magaalada Chicago ee dalka Mareykanka iyo Jasiirada Singapore marka la gaaro sanadka 2020-ka. Sunaha nolosha waxa ka mid ah in la gaaro wixii la hiigsado hadii la bixiyo dadaalkii loo baahnaa, isla markaana lala yimaado rabitaan dhab ah. Waxa la yaabka Ruwanda ka mid ah in wadanku gebi ahaan yahay buuraley, (Land of thousand hills) haddana wadooyinka laga sameeyey iyo beeraha laga fashay buuraha dushooda waa wax aad kuu dareen gelinaya markaad tahay shakhsi Soomaali ah oo ka yimi dhul looma ooyaan ah oo dadkiisu bi’iyeen, kana goblamay Hogaamiyaasha lagu baraaray ee ummaddaha qaar u kacay. Markaad aragto halganka bini-aadamku ku jiro iyo halka aynu inagu marayno, waxaad xusuusaneysaa maansaddii Abwaan Gaariye, Illaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo, ee uu lahaa; Dal waxaan ku nool ahay Sadexdii dalaaqood Lagu furay dadnimaddii. Maqaalkan ku saabsan Ruwanda iyo halkay ka timi iyo halka ay maanta marayso waxaan u arkay inuu tusaale nool u noqon karo dadka Soomaaliyeed ee ka kori la’a Ciilka, Caadifadda iyo Cuqdadda qabiilka. Dadka soomaaliyeed ee isa saamixi kari la’a, is aamini la’, ka xoroobi la’a siyaasiyiinta aragtida gaaban ee wax matarayaasha ah isla markaana hor taagan dantii guud ee cid walba maslaxadu ugu jirtay. Siyaasiyiinta maan-gaabka ah ee mugdiga geliyey noloshii jiilal badan oo Soomaaliyeed oo xaq u lahaa in ay ku noolaadaan nolol karaamo iyo sharaf leh sida qayrkood aduunyadda ugu nool yihiin, isla markaana ka hagaasay garashaddii. Ruwanda waxay kaloo dadkoodu tusaale nool ku muujiyeen xikmadda qaaliga ah ee tiraahda (forgive but don’t forget) oo ah saamax hase ilaabin. Xikmaddani waxay sheegtay in wax la saamaxo lana cafiyo si hore loogu socdo, isla markaa aan la ilaabin taariikhda iyo wixii dhacay si wax looga barto, jiilasha soo socdana dhaxal fiican looga tago ee aan sun iyo waabay la dhaxalsiin. Hogaan xumiddu waa waxa qayrkeen inaga reebay Soomaaliyeey, waana waxa inaga dhigay bar madaw iyo maahmaah xun oo bulshadda caalamku inagu tilmaansato. Waa wax laga xumaaddo in garaadka Hogaamiyaasheenu uu dhaafi waayo marka ay xukunka qabtaan waa markaygii iyo markii Beeshayda, isla markaana waa kuwo aan garaynayn masuuliyadda Hogaanka ummadda. Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan warbixintan.

 

Qalinkii: Mukhtaar Xaaji Cabaydh.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews