berberatoday.com
Taariikhdu markay ahayd 1827kii ayaa Awoowyaasheen la galeen Ingiriiska heshiis oo maanta laga joogo 190 sano, wwuxuuna ahaa heshiis nabad galyo iyo mid cilaaqaad oo ingiriisku ka dalbaday awoowyaasheen oo aan dawlad ahayn.
March 4, 2017 - Written by Berbera Today

Taariikhdu markay ahayd 1827kii ayaa Awoowyaasheen la galeen Ingiriiska heshiis oo maanta laga joogo 190sano, wwuxuuna ahaa heshiis nabad galyo iyo mid cilaaqaad oo ingiriisku ka dalbaday awoowyaasheen oo aan dawlad ahayn.

Heshiiskaasi wuxuu ka dhacay Magaalada Berbera waxaana saxeexay odayaashii hoggaanka u ahaa magaalada Berbera xilligaas. Waxaana odayaashaa ka mid ahaa Sheekh Ismaciil, Cumar Qaadi (Omar Kadim), Xuseen Buun (Husein Bun), Ismaciil Guuleed (Ismail Qoled). Odayaashaa oo metelayay Odayaashii Berbera Waxay heshiiskaa la galeen J.J Gordon Bremer oo ahaa sarkaalkii dhinaca Ingiriiska u saxeexay heshiiskaa.

Heshiiskaasi waxa uu ka danbeeyay markii la gubay markab la odhan jiray Brig Marie oo uu ingiriisku lahaa. Dadkii saarnaana waa la-laayey, inkastoo dhawr qof la badbaadiyey oo markii danbe lagu wareejiyay Kabtan: J.J Gordon. Heshiiskaa waxa loogu wanqalay inuu yahay heshiis Saaxiibtinimo iyo ganacsi oo dhexmaray Odayaashii Somaaliland ee Berbera ku dhaqnaa iyo wakiilkii ingiriiska ee waqooyiga Afrika oo ahaa Kabtan-kaa la odhan jiray J.J Gordon Bremer. Waxa kaloo xusid mudan in uu heshiiskaa goob joog ka ahaa ama markhaati uu ka ahaa Sharmaarke Cali Salax oo markaa ahaa guddoomiyihii Saylac. Wax-yaabihii lagu heshiiyay waxa ka mid ahaa in labada maamul uu dhex-maro xidhiidh ganacsi in Odayaasha Reer Berbera ay bixiyaan magtii iyo khasaarihii la gaadhsiiyay markabkii Ingiriiska sannadkii 1825kii.

Waxa lagu qiimeeyay magtaas 15,000 oo ah Dollarka Spanishka oo u dhigantay 5000 oo Dolar. Dhinaca kale waxa ka mid ahaa heshiiskaa in qolo kastaaba ay nabad geliso qolada kale. Heshiiskaasi waxa uu dhacay 1827 oo ahayd sannadka Hijriyada 1242-kii bishii Rajab sagaalkeedii. Markii uu Ingiriisku qabsaday magaalada Cadan ayaa waxa sii kordhay danihii uu Ingiriisku ka lahaa Xeebaha Somaliland, sidaa awgeed heshiis cusub ayuu la galay Odayaashii soomaaliland 1855kii. Markii isla sannadkaa dagaalku ka qabsaday magaalada Berbera ninkii basaaska ahaa ee la odhan jiray Richard Burton, ee la baxay Sheekh Cabdalle, ayuu Ingiriisku ka caagay oo ku soo dhici waayay Berbera iyo xeebaha Somaliland, taasina waxay sababtay in markale uu Ingiriisku heshiis la galo odayaashii Soomaaliyeed 1856kii.

Markii la furay Suways-kanaalka ayay reer Yurub sida daadka ugu soo qulquleen xeebaha badda cas iyo gacanka Cadmeed ilaa badweynta Hindiya oo markii hore si dhib ah loogu soo gudbi jiray. Taasi waxay keentay in Berbera iyo Xeebaha Somaliland noqdaan goobo muhiim ah oo reer Yurub u kala tartamaan. Inkastoo Masaaridu muddo yar ka talinayeen xeebaha Somaliland, balse heshiiskii ugu mugga weynaa ama ugu ballaadhnaa ee beelaha reer Somaliland ay isugu yimaadeen intooda badani wuxuu dhacay 1885 wuxuuna dhammaystirmay 1886-kii. Waana heshiiska dhigayey in uu ilaaliyo Ingiriisku danaha beelaha soomaaliland ee la galay heshiiska. heshiiskaasi waxa uu ahaa mid xeerka iyo xurmada reer banii’aadam waafaqsan, Hadaba qodobka ugu xiisaha badnaa ee heshiiska la la galay ingiriiska waxa ka mid ahaa inay awoowyaasheen ogolaysiiyeen in uu ingiriisku ku dhalin dhulkooga oo ay ku noqdaan hadii ay wax u dhalanayaan dalkooga,awoowyaasheen waxay ahaayeen dad proud ah oo dhulkooga ilaashan jiray isla markaana ilaalin jiray samcada iyo karaamada umadooda.

Faisal Abdirahman
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews