Akhriso:-Wasiir Maxamuud Xaashi Oo Noqdey Wasiirkii Ugu Musuq-Maasuqa Badnaa Ee Abid Soo Mara Somaliland Iyo Waxyaabaha Sababta U Ah+Lacagaha Faraha Badan Uu Meelaystay
Hargaysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Madaxtooyada ee wakhti xaadirkan haya xogta Aqalka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa noqday masuulkii ugu nasiibka badnaa ee Somaliland soo mara qabtana xilka Wasiirka Madaxtooyada Somaliland muddadii ay jirtey Somaliland laga soo bilaabo 1991 kii.
Wasiirka Maxamuud ayaa waxaana uu nasiib u yeeshay in uu maamulo Lacagihii ugu badnaa ee Somaliland so mara isaga oo arintaasi bedelkeeda dalka u horseedey Musuq maasuqii ugu badnaa ee Somaliland ka dhaca
Waxaanu noqdey wasiirkii ugu maasuq maasuqa badnaa ee soo mara Somaliland Mudadii ay jirtey iyada oo qodobo cadaymo ah aynu ku soo bandhigi doono Qormadan isla markaana aynu mid mid u dul istaagi doono mashaariicda kala duwan ee uu maamulay iyo siyaabihii sharciga baal marsanaa ee uu ugu takri falay Hantida Qaranka,