berberatoday.com
Marxuum Reer Laascaanood Ah oo Daryeel La’aan Caafimaad Ugu Dhintay Xabsiga Mandheera Oo La Dhigay Cusbitaalka Hargaysa Iyo Eheladiisa Oo Diiday In Laga Aaso
March 10, 2017 - Written by Berbera Today
Hargaysa(Berberatoday)-Xili Ay Xabsiyada Somaliland ka dhex socdaan cadaalad daro baahsan oo lagula kaco Maxaabiista lagu Xareeyo ayaa Waxaa soo baxaya Maxaabiis ku Daryeel La’aan Caafimaad oo soo wajahday Ugu Dhex Geeriyooday Xabsiga Mandheera ee Gobolka Saaxil
Marxuum Jamaac cabdilaahi Maxamed oo ku magac dheeraa Jaamac Qudhqudhiye Ala Ha u Naxariistee Waxaa uu Xabsiga Mandheera ugu Geeriyooday Xaalad Cafimaad oo Lasoo Deristay Ka dib markii Saraakiisha Xabsiga Mandheera Ay ka Qariyeen Ehelkiisa Si Loo Daaweeyo
Marxuumka oo Ay Ehelkiisu Noo Sheegeen Inay Iyagu Soo Xidheen Isla Markaana Dhaqan Celin Loo Soo Xidhay Balse aanu Denbi Ka Gelin Cid Kale Ayaa Werwer Ka Muujiyay Xaalada Xabsiyada Somaliland Iyagoo intaasi ku daray In Wiilkooda Ay ku Xidheen Xabsiga Laascaanood balse loo Soo Wareejiyay Iyadoo aan Waxba Laga Waydiin Xabsiga Mandheera oo uu Iminka Ku Geeriyooday
Maxamed Cabdilaahi Maxamed oo Ay Walaalo Ahaayeen marxuumkaasi Ku Geeriyooday Xabsiga Mandheera Ayaa Noo Xaqiijiyay Dhacdadan Bini Aadantinimada ka Baxsan ee Ku Qabsatay Xabsiga Mandheera waxaana uu nooga Waramay Sida ay Wax u Dhaceen waxaana uu yidhi
cusb
” Marxuumku Wuxuu Ahaa Nin Dagaal iyo Rabshad badan Waxaana Soo Xidhay Aabihii Oo Ahaa Reer Miyi,Maadaama ay Cabashadiisu ku Badatay si Uu Halkaasi ugu soo Xasilo oo uu Waayo Aragnimo ugu soo qaato amase dhaqan Celin,Ka dib Aabihii Ayaa Maxkamada ka Codsaday in loo Xukumo oo Sanad loogu Xukumo Waxaa Marxuumka lagu Xidhay Xabsiga Laascaanood,Aabena Wuu iskaga Tagay Waxaana lagu Ogaa Halkaas Xabsiga Laascaanood,oo Cuntada loogu keeni Jiray ,Markuu Halkaas ku xidhnaa Afar bilood Ayaa Lagala Baxay Xabsigaas oo loo soo gudbiyay Xabsiga Mandheera Anaguna Ka ehel Ahaan waxaanu Ku Warhelnay Bishii Shanaad isagoo Ku xidhan Xabsiga Mandheera,Dabeeto waan lasoo xidhiidhay waxaana Maalin keliya uu telefoonka iigu dhiibay Taliye ku xigeenka xabsiga oo la dhaho Jibriil,Intaas ka bacdi waxaan lasoo Hadli Jiray Ninkaas Taliye ku xigeenka ah ee Jibriil Wuxuuna igu odhan Jiray Ninkii Wuu Ladan Yahay,Ninkii wuu Ladan yahay,Ninkii Wuu Ladan Yahay,Waxaana Xabsiga Laba Jeer Ugu Yimi Masuuliyiinta Hayada UNHCR kuwaasi oo Madaxda Xabsiga Ka Dalbaday in Marxuumka Degdeg loo Qaado oo la Geeyo Goob caafimaad Intuu Noolaa,Habeen ay ku beegnayd 7dii bishan aynu ku jirno Ayaa Naloo Soo Sheegay,Dabeeto Intaanu kusoo Soconay Wuxuu Marxuumku ku geeriyooday Xabsiga Mandheera,Waana ay diideen Saraakiisha Ciidanka Asluubta Somaliland in Xarun Caafimaad la geeyo Mana garanayno Sababta Waayo Marxuumka oo Aanu walaalo Ahayn Aabahay Ayaa Soo Xidhay ee Kiis Cid kale Kama uusan Gelin ,Anaguna Maanu odhan Mandheera Naga geeya Wiilkayaga,Dhibtaas Cida Iska lehna Waa Bahda Cadaalada ee Somaliland oo Masuul ka Ah Dhimashada Marxuumka Xataa Waraaqo Ayuu Qoray Marxuumku uu ku dalbanayo in Ehelkiisa loogu Qaylo geeyo si uu Caafimaad u helo Dhegna Jalaq Looma Siin,Waxaana Aanu Hada ku wadnaa Baadhitaan si aanu u ogaano in La Dilay oo uu Nabaro Hoose qabo oo ay gaadhsiiyeen Ciidankii Jeelku iyo Inkale “Ayuu Yidhi Maxamed Cabdilaahi Maxamed oo Ay Walaalo Ahaayeen Marxuumka oo aan Kula Kulanay Cusbitaalka Hargaysa Oo ay Keeneen Maydka Marxuumka Ka dib markii ay Iyagu kasoo Qaateen Xabsiga Mandheera Maadaama aanay Dawladu Gaadiid Siin
Dhinaca Kale Waxaanu Isku Daynay Inaanu La Xidhiidhno Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland Maxamed Cismaan Xudhuun iyo Wasiirka Wasaarada Cadaalada Axmed faarax Cadare balse nooma suuro gelin Maadaama ay Telefoonka Naga Qaban waayeen
Bernera today. Com
COMMENTS
|