Daawo Muuqalka”Ciidamada Nabad Galiyada Wadooyinka Gobolka Togdheer Iyo Waaxda Cashuuraha Beriga Burco Oo Siwada Jira Ubilaabay Hawlgal Lagu Qabqabanayo Gaadiidka Bilaa Cashuurta Ah Iyo Darawaliinta Bilaa Liisamada Ah
March 11, 2017 - Written by Berbera Today
Burco(Berberatoday.com)-Ciidanka Ilaalada Nabad Galiyada Wadooyinka iyo Waaxda Cashuuraha Bariga Gobolka Togdheer ayaa Siwada Jir ah Magalada Burco Uga Bilabay Hawlgal ay ku Ururinayaan Baaburta Aan bixin LIx biloodkii Cashuurta Sanadka iyo darawalada aan haysan Liisankii Wadida Gaadiidka.
Waxaanay Ciidanka Wadooyinka ee loo Yaqaan tarafiigu ayaa saaka lagu arkayeyy halbowlayasha wadooyinka waaywayn ee Magaalada burco, iyagoo ciidanku mid mid u waydiiyeyn darawalada gaadiidka liisankoodii darawalnimo.
Waxaanay Ciidanku xareenayeyey gawaadhida ay ka waayaan Cashuurtii Lixbiloodka iyo weliba Darawalada aan Sidan Liisan darawal nimo.