Xiisadda Udhaxaysa Turkiga Iyo Holland Oo Sii Xumaatay
March 12, 2017 - Written by Berbera Today
Rotterdam(Berberatoday.com)-Dhowr boqol oo qof oo ah taageerayaasha Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa iyagoo calamo sita isugu soo baxay dibadda qunsuliyadooda magaalada Rotterdam, ka dib markii xukuumadda Netherlands ay u diidday wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga inuu magaalada khudbad ka jeediyo.