Shaqadii Dekeda Oo Maalintii Labaad Taagan Iyo Xukumada Oo Isku Daawanaysa Shaqaalaha Muwaadiniinta Ah Ee Cabanaya Iyo Shirkada DP World Ee Macaash Doonka Ah Maamulka Dekeda Berbera La Wareegtay
March 13, 2017 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Waxa maalintii labaad taagan guud ahaan shaqadii Dekeda Berbera oo aanay wax shaqo ahi ka soconin iyada oo shaqaalihii Dekeda Berbera ee maalintii shalay Mudaharaadka iyo shaqo joojinta ay kaga Soo horjeedaan shirkada DP World Sameeyay saakana iskaga soo dareereen shaqadii dekeda, dhamaan Xafiisyada shaqadana alababada loo soo wada xidhay.
Qaar kamida Madaxda waaxyaha iyo shaqaalaha Dekeda oo la soo xidhiidhay Shabakada Wararka ee Berberatoday.com ayaa noo sheegay in aan ilaa hada jirin cid soo kala dhex gashay iyaga(Shaqaalaha)iyo shirkada DP World ee ay ka cabanayaan hadhaqankeeda shaqo iyo xuquuqo kaga maqan oo la xidhiidha Mushaharaadkii oo kala badh laga jaray iyo guud ahaan gunooyinkii iyo lacago kaloo ay ku qaadan jireen shaqooyinka dheeraadka ahna laga wada jaray.
Dhinaca kale ilaa hada ma jirto masuuliyiin dhinaca Xukumada ka socota oo cabashadan iyo shaqo joojinta shaqaalaha Dekeda ka hadashay marka laga reebo Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf Axmed oo maalintii shalay sheegay inuu xal uhelida cabashada shaqaalaha iyo shirkada DP World uu ku hawalanyahay.