Shaqaalaha Dekeda Berbera Waa in ay Sharciga la tiigsadaan oo Qareeno Caalami ah u qabsadaan Shirkada DPWorld . qalinka A/rahman fidhinle UK
March 14, 2017 - Written by Berbera Today
Shaqaalaha Dekedu waa in aanay weysada dhawran ee waa in ay xaqooda iyo xuquuqdooda gaarka ah udacwoodaan si cokan oo Dimuqraadi ah, waana in ay Qareeno u dooda qabsadaan. Dhuuxa iyo duxda dimuqraadiyadu waxay koobaysaa in shaqsi kastaa xornimadiisa iyo xuquuqdiisu ay u cadaato oo uu helo, sidaa daraadeed waa in la ilaaliyaa xaqa iyo xuquuqda shaqaalaha ka shaqeeya Dekeda Berbera iyo inta ku xeeran. Shaqaaluhu waxay xaq u leeyihiin in ay u dacwoodaan xuquuqdooda iyo danahooda u gaar ka ah iyaga oo ku doodaaya in ay la xuquuq noqdaan shaqaalaha DPWorld ee Dekedaha aduunka ka shaqeeya maadaama aanay xuquuqdoodu ku cadeyn heshiiska mugdiga badani ku gedaaman yahay ee lagu dhaxal wareejinaayo Dekeda Berbera 30-ka Sanadood ee soo socda.