berberatoday.com
Khilaaf Ba’an Oo Ka Dhex Qarxay Wasiir Maxamud Xaashi Iyo Wiilka Madaxweyne Siilaanyo Sodoga U Yahay+Hirdan Awoodeed Ee Labadaas Masuul Oo Lagu Kala Adkaadday Iyo Safiir Baashe Moorgan Oo Wasiir Xaashi Ka Reebbay Wafti Imaaraadka U Ababaxay+Cali Mareexaan Oo Lagu Bedelay
March 16, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Khilaaf ba’an ayaa la sheegay inuu soo kala dhex galay shaqsiyaad isku olog ahaa, oo ku maxaabsan jiray awoodda Madaxtooyadda, kuwasoo kala ah Wasiirka Madaxtooyadda Md. Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Wiilka Madaxweyne Siilaanyo Soddogga u yahay, isla markaana ah Safiirka Somaliland u fadhiya dalka isku tagga Imaaraadka carabta oo lagu magacaabo Baashe Cawil, (Baashe Moorgan). Ma jiro war si rasmi ah daboolka uga qaadday dulucda nuxurka khilaafkaas.

Hase-yeeshee ilo wareedyo xidhiidh dhow la leh labadaa masuul ayaa shaaca ka qaadday in maalmahanba is maandhaaf xagga afkaarta ah ay kusii kala durkaayeen labadaas masuul. Iyadoo khilaafka soo kala dhexgalay sababay inuu Wiilka Madaxweyne Siilaanyo Soddogga u yahay ee Baashe Moorgan uu wasiirka madaxtooyadda Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ka reebay kamid noqon-shaha xubnaha waftiga dalka maanta ka dhoofay ee hawlaha heshiiska Saldhigga Ciidan la soo saxeexaanaya dalka isku tagga Imaaraadka carabta.

Wakiilka Somaliland u fadhiya Dabai Md. Baashe Cawil ayaa la sheegay inuu bedelka Wasiir Maxamuud Xaashi waftigaas uu ku daray ka dhigay Wasiirka hawlaha guud Md. Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexan) oo isagga lagu bedelay kooskii hawlaha Imaaraadka ee berbera uu kaga jiray Wasiirka madaxtooyaddu Md. Maxamuud Xaashi.

Sidoo kale, xoggaha shabakadda Warar ee Xogreebnews ka helayso khilaafka soo kala dhexgalay wasiir Maxamuud Xaashi iyo sidoo kale Wakiil Baashe Moorgan ayaa la sheegay inuu salka ku hayo, weedho uu wasiir Maxamuud Xaashi marar badan Warbaahinta mariyey, hadalladaas oo sida la sheegay uu si weyn u qoonsadday Wiilka Madaxweynuhuu Sodogga u yahay ee Baashe Moorgan, kuwasoo sida la sheegay Safiir Baashe aaminsan yahay inay kiciyeen Bulshada Somaliland, isla markaana Mashruuca saldhigga Imaaraadka ee Berbera Ciidamada lagu keenaayo lidku ahaa.

Weedhaha Wakiil Baashe Moorgan ka biyo diiday ee Wasiirka Madaxtooyaddu xilliyo kala duwan saxaafadda ka jeediyey ayaa waxa kamid, ahaa inay saldhigga Ciidan ee Imaaraadka laga siinaayo Berbera uu yahay dagaal sidii loogu qaadi lahaa Yemen, sidoo kalena waxa uu ku qaniinay Baashe Moorgan Wasiir Maxamuud Xaash, inay Sunni tahay Somaliland, isla markaana ay weeraro dagaal ku qaaddayan Yemen, waxa kaloo weedhaha uu sida weyn horgalaha Mashaariicda Imaaraadka ee Berbera oo ah Wiilka Soddogga uu Madaxweyne Siilaanyo u yahay ee ka xummaaday inuu sheego Wasiirka Madaxtooyadda, waxa kamid ahaa inuu heshiisyo dawladda Imaaraadka la gashay Somaliland ee kala ahaa DP World iyo sidoo kale kan saldhigga Ciidan lagaga siinaayaba uu Madaxweynihii hore ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud saxeexay, isla markaana madaxweyne Siilaanyo ay wada saxeexdeen.

Dhinaca kale, xoggaha la xidhiidha khilaafkan soo kala dhexgalay wasiir Maxamuud Xaashi iyo Safiir Baashe Moorgan ayaa sida muuqata lagu kala awood roonnadday, kaddib markii Safiirku wacad iyo xilo fur ku maray in aanu cago soo dhiggayn wasiir Xaashiga Madaxtooyaddu arrimaha saldhigga, waxanu kula gor-gortamay mar la sheegay in loogu garqaadday aqalka Madaxtooyadda inuu Wasiirku isaggu bulshada ku kicinaayo mashaaricda saldhigu kamid yahay.

Halka wasiir Maxamuud Xaashina la sheegay inuu isaggu ku dooday inuu dannaha iyo fulinta mashaaricda daacad ka yahay, isla markaana aanu haba-yaraatee wax ujeedo oo kicin bulsho ah aanu ku lug lahayn, balse uu safiirku si khaldan wax u fahmay. Waxanu ololle u galay wasiir xaashi kamid noqdo waftigaas. Balse baashe moorgan ayaa kaga awood batay oo tiisii loo yeelay. Waxanu xuubnaha waftigaas booskii Wasiir Maxamuud Xaashi ku bedelay oo geliyey wasiirka hawlaha guud oo mudooyinkii u dambeeyey isku dhereerinaayey wasiir Maxamuud xaashi. Sidoo kale, xoggaha shabakaddaa Warar ee Xogreebnews heshay ayaa lagu sheegay in Safiir Baashe Moorgan damacsan yahay inuu Wasiir Cali Mareexan ka dhigo Wasiirka Madaxtooyadda, halka uu wasiir Maxamuud Xashina doonaayo in la geeyo hawlaha guud ama la eryo, hase-yeeshee dalabkaas ayaa shaqsiyaad qoyska madaxtooyadda ahi, kaga soo horjeesteen Baashe Moorgan.

Si kastaba ha ahaatee, waftiga maanta u ambabaxay dalka isku tagga Imaaraadka oo u hoggaaminaayey Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Saylici, ayaa ka koobnaa Wasiiro afar Wasiir iyo laba ku xigeen. Kuwasoo kala ahaa Wasiirka arrimaha dibeda, wasiirka Duulista, wasiirka gaashaandhigga iyo Wasiirka hawlaha guud Cali Mareexan oo isaggu bedelka maxamuud Xaashi kusoo galay waftiga, sidoo kalena waxa waftiga kamid ahaa wasiir ku xigeenka maaliyadda iyo shaqsiyaad kale. Isku soo wada duubo wasiir Maxamuud Xaashi iyo Safiir Baashe Moorgan ayaa ahaa saaxibo isku shaqeystaa oo isku dan ahaa, isla markaana waxa ay wada isticmaali jireen shaadhka awoodeed ee Madaxweynaha, kuwasoo mashaaric badan kaga faa’idaystay xididnimada madaxtooyadda iyo xilalka Toliimo ee ay ka hayaan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, lama ogga inuu khilaafkani sii socon doono iyo in laga heshiisiin doono labaas masuul oo durba ku kala adkaadday doonistooda idman ee xagga awoodaha qasriga.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews