Fanaanka Nimcaan Hilaac Oo Xabsiga La Dhigay , Dalka Lagu Xidhay Iyo Sababta Loo Xidhay Wax Ka Ogow
March 16, 2017 - Written by Berbera Today
Suudan(Berberatoday.com)-Wararka naga soo gaadhaya dalka Suudan ayaa waxaa ay sheegayaan
in booliska dalkaasi ay xabsiga u taxaabay Fanaanka Nimcaankaasoo muddo todobaad ah ku sugnaa Dalka Suudaan si uu Soomaalida Suudaan joogta ugu sameeyo bandhig faneed.
Waxaana Fanaanka la xidhay kadib markii ay Booliska ka war heleen in Hool ku yaala Magaalada Khartoum ay ka socdeen heeso uu fanaanku u qaadayay kasoo qayb galayaan dad tira ahaan ilaa boqol iyo konton qof oo isugu jiray gabdho iyo wiilal da’yar u badan