Ku Dhawaaqistii Golaha Wasiirada Dawlada Xamar Oo Xalay Dib U Dhacdey Iyo Sababta Oo La Ogaadey
March 16, 2017 - Written by Berbera Today
Moqdisho(Berberatoday.com)-Ku dhawaaqista Liiska Magacyada Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ee uu hogaaminayo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo lagu waday in la shaaciyo xalay fiidnimadii ayaa dib u dhacday illaa iyo dabayaaqada todobaadka so socda

Golaha Wasiirada cusub oo tiradooda lagu sheegay (30 Wasiiro , 30 Wasiir kuxigeenno iyo 10 Wasiiru dowlayaal), taasi oo ka dhigan in liiska lagu arki doono Wasaarado cusub taas oo sababi karta in loo waayo Wasaaradahaasi xarumo ay ku shaqeeyaan