berberatoday.com
Dhismaha Deked Bilaash Ciidamada Isbaahaysiga Carabtu Isticmaali Doonaan Oo Laga Bilaabay Duleedka Madaarka Diyaaraha Berbera
March 17, 2017 - Written by Berbera Today


Berbera(Berberatoday.com)-Koox khubarro u dhashay dalka Lubnaan, ayaa dhisme Dekadd cusub waxay ka bilaabeen Gegidda ama garoonka diyaaraddaha ee Magaalada Berbera meek massage kooban ujirta oo kaga began dhinac badda madaarka,

kaasoo Xukuumadda Somaliland dhowaan siisay dawladda Isu-tegay Imaaraaka Carabta, kadib markii codsi Afka ah oo ay ka heshay Amiirka u taliya Mandaqadaha bahoobey ee Imaaraadka.
Madaarka Berbera oo dawladda Imaaraadku maa-gan tahay inay ka dhigto saldhig ama fadhiisin Milateri, ayaa sida hawl-wadeenada Shebakadda Berberatoday.com indho-hooda ku arkeen khubarrada reer Lubnaan, waxay hawlgal isugu jira burburin iyo qodis ka wadaan Buur ku taala Magaaladda iyo Madaarka inta u dhexaysa, hawlgalkaasoo sida dad xog-ogaal ahi u sheegeen Shebakadda ah in burburka dhagaxa iyo ciida Buurta lagu dhiso Dekadd cusub oo Madaarku yeesho, taasoo noqon doonto Dekadd gaar u ah hawlaha ciidamadda Carbeed ee la filayo inay soo degaan Madaarka Berbera. Tusaale ahaan, sida dejinta iyo rarista dhinaca Badda ee Ciidamadda iyo Saanadahooda.
Waxa kaloo, kooxda reer Lubnaan, sida wararka lagu sheegay dalka keenay shaqsiyaad Somaliland u dhashay, oo iyagu helay ama la siiyey qan-daraaska dhismaha Dekadda cusub, wallow iyaga laftooda, sida la xusay aqoon iyo khibrad midna aanay u lahayn dhiska garoonadda ciidamadda, balse sida qalabka hadda ay ku shaqaynayaan ka muuqata, waxay hawshoodu u e’k-tahay mid ku eg oo keliya inay sameeyaan Dekadd-bilaash ku meelgaadh ah oo ka kooban dhagax iyo ciid bada lagu buuxinayo.
Sidoo kale, Buurta qodkeedu socda, ayaa la sheegay in laga iibsaday muwaadiniin reer Somaliland ah, oo iyana yed u lahaa dhulka Buurta la dumin doonaa ku fadhido, sidaa darteed-na shaqsiyaadka qandaraaska la siiyey ku bilaabeen hawlshaasi. Docda kale, arrinta ku saabsan bilawga hawlaha dhismaha Dekadda ciidan ee ka socota Madaarka Berbera, ayaa ah mid lama filaan ah oo dadka reer Berbera aad uga fajaceen, gaar ahaan marka la eego saluuga dhinaca saldhiga Milateri ee Xisbiyadda mucaaridka iyo badi bulshada reer Somaliland, oo si weyn u diidan bixin saldhigaas, iyo sidoo kale arrimo dhawr ah oo xaasaasi ah oo hadda taagan.
Waxaana dadka wax indha-indheeya badidoodu baqe weyn ka qabaan in bilowga dhismaha Dekadda ciidan uu sababi karo inuu sii hurriyo xiisaddaha ka dhashay mushkiladaha is-barkan ee ku kulmay dadka ku dhaqan Magaaladda Berbera, sida arrinta ku saabsan is af-garad waaga ka dhex-taaga shaqaalaha Dekedda Berbera iyo shirkadda DP-WORLD, oo Xukuumadda Somaliland dhowaan ku wareejisay maamulka iyo gacan-ku-haynta Dekedda Berbera muddo Soddoneeyo sanno ku dhow.

Berberatoday.com. com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews