berberatoday.com
War Deg Deg Ah”Halkan Ka Akhriso Qaybtii Labaad Ee Magacyada Dadkii Diyaaraddu Ku Duqaysay Xeebaha Dalka Yeman Inta Dhimatay Iyo Inta Dhaawaca Ah Iyo Kuwo Xabsiyada La Xidhay
March 19, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)–Shabakada wararka Berberatoday.com oo labadii cisho ee u danbeeyeyba ku mashquulsanayd daba galka iyo soo helitaanka magacyada dhalinyaradii Doonta saarnaa ee Maalinkii Jimcaha ay diyaaraddu ku duqaysay xeebaha dalka Yamen wakhti ay ku socdeen sida la sheegay dalka Sudaan ayaa waxaan idin soo gudbinaynaa qaybtii labaad ee magacyada dhalinyaradaasi.

Waxaana dhalinyaradan ay ahaayeen kuwo u badna Reer Somaliland gaar ahaana gobolada Togdheer,Sool Iyo Maroodi-jeex.

Dhalinyaradan oo doon ay saarnaayeen ay diyaaradda nooca qumaatiga u kaca ah ay gantaal la beegsatay ayaa dhimashada dadkaasi ay kor u dhaafeen 30 iyaga oo la sheegay in ay yihiin 40 qof oo dhimasho ah.

Shabakada wararka Berberatoday.com ayaa iyadu qaybtii hore ee magacyada dhalinayradan idiin soo gudbisay,waxaana aan sidoo kale daba gal ku haynay magacyada dhalinyarada inta hadhay ee aana magacyadooda idiin soo gudbin.

Masuuliyiinta Sbabakada Wararka Berberatoday.com ayaa xidhiidho la sameeyey dad kala duwan oo ku sugan dalalka Yamen iyo Suudaan waxa uu idin soo gudbinayaa qaybtii labaad ee magacyada dhalinyaradaasi ku nafwaayey iyo kuwa ku dhaawacmay gantaalka ay diyaaraddu la beegsatay doonta ay saarnaayeen.

Sidoo kalena waxa xusid mudan inay  dhalinyaro doonta saarnaa markii ay diyaaraddu duqaysay si fool u xun u googo’ay oo ilaa hadda la garan la yahay magacyadooda iyo halka ay dhalasho ahaan kasoo jeedaan iyo waliba dhalinyaro iyagu alle ka badbaadiyey duqayntaasi kuwaas oo ku xidhan xabsiyo ku yaala xeebaha dalka Yamen.

Hadaba magacyada dhalinyarada ku nafwaayey iyo kuwa ku dhaawacmay  duqayntaasi diyaaradddu u gaysatay doonta ay saarnaayeen ayaa waxay kala yihiin sida tan.

  • Cabdirashiid Cismaan Cige             (DHIMASHO)
  • Deeq Aadan Maxamed Biixi          (DHIMASHO)
  • Maxamed Aadan Xaaji Cabdi wali lama xaqiijin dhimashadiisa
  • Caasha Cabdirisaaq Maxamed Baaxeer wali lama xaqiijin dhimashadeeda
  • Salma Kayse         (DHIMASHO)
  • Sakariye Ismaaciil Dubbeeye oo kasoo jeeda Burco (Dhimasho)
  • Kayse Ciise               (DHAAWAC)
  • Nadiir Mahdi                (DHAAWAC)
  • Ahmed Qays              (DHAAWAC)
  • Marwaan Haaji Jaamac              (DHAAWAC)
  • Cabdisalaan Cabdilaahi      (DHAAWAC)
  • Sahra Faysal Cabdi                    ( Dhaawac)
  • M C Cabdalle                   (DHAAWAC)
  • Axmed Maxamed Ciise          ( DHAAWAC) waxaana uu ku jiraa xabsiga
  • Hibaaq Jaamac Raage oo kasoo jeeda Hargeysa wali lama xaqiijin dhimashadeeda
  • Cabdirisaaq Xudhuun oo kasoo jeeda Burco         (DHIMASHO)
  • Xamse Magaciisa oo saddexan lama hayo madaxaa go’ay isaga       (DHIMASHO)
  • Mahad Hussein Garbo-haye   oo kasoo jeeda Hargeysa isagu wax uu ku jiraa xabsiga

 

Shabakada wararka Berberatoday.com wali waxay ku daba jirtaa helitaanka magacyada dhalinyarada ku nafwaayey duqayntaasi,kuwa ku dhaawacmay iyo waliba dhalinyarada ku xidhan xabsiyada dalka Yamen.

 

gabagabadiina dawlada Somalida wali kamay hadal dhalinayarada sida arxan darada ah loo laayey ee diyaaraddu duqaysay,sidoo kalena wali si rasmi ah looma ogaan diyaaradda duqaysay doontan halka laga leeyahay.

 

Waxii warar ee soo kordha kala soco shabakada wararka Berberatoday.com.

1 2

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews