Dawlada Imaaraadka Carabta Oo Ka Shiftay Heshiiskii Saldhiga Ciidan Ee Berbera Inay Labo Dal Oo Kale Ay Ka Qeyb Yihiin (Waa Kuwee?)
March 19, 2017 - Written by Berbera Today
London(Berberatoday.com)-Dhaxal-sugaha Abuu-Dhabi ahna ku-xigeenka taliyaha ciidamada qalabka sida ee dalka Imaaraadka Maxamed Bin Za’id Al-nahyaan ayaa shir jaraa’id uu qabtay ku sheegay in Imaaraadka uu Dekad ganacsi oo caalami ah ka hirgelin doono magaalada Berbera ee dhacda xeebaha gacanka Cadan.
Maxamed Bin Zaa’id waxaa uu intaa raaciyay in heshiiskan ay la galeen Soomaalida iyo Masar ay wada hadal dheer kala galeen dalalka Mareykanka, Masar iyo Soomaaliya.
Sida uu qoray wargeyska Al-Watan ee ka soo baxa Masar, dekaddan waxaa la filayaa sida uu sheegay in ay wax badan ku soo kordhiso isku socodka ganacsiga caalamiga iyo in sidoo kale fulinta mashruucan in uu xoojiyo ammaanka marinka Baab-Al-mandab oo weliba si fudud halkaasi looga sameeyo saldhigyo militari.
Dhammaadkii sanadkii hore ayey Imaaraadka heshiis la galeen maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland, waxaa sidoo kale heshiiska meel-mariyay baarlamaanka maamulkaas, waxaase warbixintan ku cusub in Imaaraadka uu arrintan kala tashtay dalalka Masar, Soomaaliya Iyo Mareykanka.
Hadaad Ubaahantay Inaad Warkan Oo Afcarabiya Inaad akhriso Isaga oo Kujira Mareegta Al watan Linkskan Hoose Copy garee Oo googleka gali Adaa qoraalka Oo rasmiya arki doonee.
http://www.elwatannews.com/news/details/1441160
أعلن ولي عهد أبوظبي ونائب القائد الأعلى للقوات المسلحة محمد بن زايد آل نهيان في مؤتمر صحفي عن اتفاق الإمارات العربية المتحدة مع مصر والصومال بعد إجراء مفاوضات مع السلطات الأمريكية، والمصرية والصومالية لإنشاء ميناء تجاري يعد من أكبر موانئ تجارية في العالم، في مدينة بربرة المطلة على شاطئ خليج عدن.
وبحسب هذا الاتفاق ستنشئ الإمارات ميناء تجاريا في سواحل الصومال سيلعب دورا هاما في التجارة العالمية. وتنفيذ هذا الاتفاق يسهم في تعزيز الأمن في مضيق باب المندب بإقامة القواعد البحرية هناك.
ويشار إلى أن تنفيذ هذا المشروع يتعارض مع الإستراتيجي السعودي ويصطدم بالسياسات السعودية في مضيق باب المندب وهم لا يرحبون به لأنه يؤدي إلى استبعاد المملكة العربية السعودية في تلك المنطقة وذلك من خلال سيطرة ا