berberatoday.com
“Qaabka Loogu Jawaabi Karo Yurub, Waa In Dadka Turkiga Ah Ee Ku Nool Dalalkoodu Dhalaan Min 5 Carruur Ah”Madaxweynaha Dalka Turkiga Erdogan
March 21, 2017 - Written by Berbera Today

Istanbul(Berberatoday.com)-Xukuumadda Turkiga ayaa si adag uga jawaabtay warbixin kasoo baxday Hay’ada sirdoonka dalka Germany ee loo yaqaan BND, warbixintaasi oo lagaga hadlay Inqilaabkii fashilay ee sanadkii hore ka dhacay waddanka Turkiga.

War-bixintan Sirdoonka Germany ayaa lagu eegay Afgembigii fashilay ee Militariga Turkiga isku dayeen, waxayna Sirdoonka Jarmalka shaki geliyeen in uu arrintan ka danbeeyey Wadaadka Gullen ee isagu ku nool dalka Maraykanka.

Xukuumadda Erdogan ayaa hore ugu eedeysay Wadaadka Gullen inuu isagu ka danbeeyey inqilaabkii fashilay oo ay sameeyeen saraakiil Ciidan oo lala xidhiidhinayo Gullen oo hadda ku sugan Maraykanka.

Madaxweyne Erdogan ayaa warbixintan ku tilmaamay mid muujineysa in Germany ay si hoose u taageerto Gullen, isla-markaana warbixintan ay tahay mid ay ku muujinayaan qorshaha ay u maleegayaan Turkiga.

Erdogan oo shalay meel fagaare ah khudbad uga jeediyey shacabka Turkiga ayaa ugu baaqay Turkida ku nool dalalka Yurub inay awood ku yeeshaan dhulka ay ku nool yihiin.

“Qaab ka kaliya ee loogu jawaabi karo dalalka Yurub waa in Walaalaheen Turkida ee dalalkaasi ku nool ay carruurtooda wax-baraan, xaafadaha wanaagsan degaan, gawaadhida ugu qurux badan iibsadaan, isla markaana ayna dhalin 3 Carruur ah, balse ay dhalaan 5 Carruur ah..”ayuu yidhi Madaxweyne Erdogan oo fariin dadban u dirayey dalalka reer Yurub.

madaxweynaha-Turkiga

Warbixinta Sirdoonka Germany ayaa la shaaciyey xili ay taagan tahay xiisad u dhaxeysa Turkiga iyo qaar kamid ah dalalka Midowga Yurub oo diiddan in Xukuumadda Turkiga olole ka sameyso gudaha dalalkooda iyadoo ka codsaneysa Turkida qurbe- joogta ah inay taageeraan Aftida Dastuurka cusub ee Turkiga oo la qaadi doono bisha soo socota ee April.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews