berberatoday.com
War Bixin Muhiim Ah Iyo War murtiyeed Sir Ah Uu Soo Saray Lataliyaha Musharaxa Xisbiga Ucid.‏
March 17, 2016 - Written by Berbera Today

Bismillahi Alraxmaani Alraxiim.ku soo dhawada.

 
Marxalada da’du ceeb maha,qof walbana way sugaysa.waxayna wadata dhibatoyin kala duwan waxa ka mid ah:Qalbiga waxa ku bata iloowshiinya,caqliguna xajo kasta wuxuu ku keena mari habow,afkuna wuxu yareya hadalka,indhahuna aragoodu wuu daciifa,dheguhu way gabaan maqalka,dadka qarkiina cuntada aya dhadhankedu isbedela.
 
Dublumasiyada siilanyo waxa ka muqda in aay aburayso duruf adag,oo bulshada ku khasba ujeedoyin ka hor imanaya himaladii umada.sida awgeed waxan ku baaqaya in laga taxadiro Go’aamada ka soo baxa kooxdan gadhwadenka ka ah madaxtoyada.
Martabadaha shay’daniga ah ee naariga waxa ka mid ah;cadhada,xasidnimada,xaqirada iyo khiyamada,Beenta,kibirka,khilafka,nifaaqa,dulmiga,cadaladarada,gaajada,faanka,boobka hantida umada.
 
Naftu markay gasho martabada uu leyahay Ibleeysku,waxa surtagal ah in uu si fudud inogu abuuro Was-waas.Naftana hawlyari ku Hungansado,wuxu hugaamiya shahwada cadhadana wuu kar-kariya,naftana wuu kibriya oo jeclaysiyay boobka iyo hantida umada iyo dulmiga.
lakiin hadii aan la dagalano martabadiisa naariga ah,waynu ka guulaysan o kana mid noqon Adomaha illaahay sheegay ee aanu suldanka u noqon karin.kooxdan gadhwadeenka ka ah Madaxtoyada ee hadafkodu noqday urursiga hantida umada waxay ku sifobeen martabada naariga ee Ebl’eyska.
 
 Hugaamiyaa hadii caqligiisu keno marin habaw,kan ugu dhowina noqdo fuley xaasid ah oo bulshada u rara marakiib Been ah.wax walbo sharci daro ahna ka saxeexa,qarankas waxa u soo hoyatey guuldaro.sidaa awgeed waxan ku bararujinaya Golayasha qaranka,iyo bulshada in ay ka feejignadan go’amada ka soo baxaya madaxtoyada ee sida khaldan looga saxeexayo madaxweynaha. 
 
Ilbaabkii Kulmiye wuu xidhmay.
illaahay mar-mar wuxu inaga xidha ilbabka,wayo waxu ogyahay in aynan hore uga marayn marxalada aan ku suganahay.dib u yare rac tariikhdii waqtigii Siyaad Bare,waatii ay heshiyen Mangisto H.Maryam.malinta waxay noo ahayd malin madow,wayo ilbabkii aya xidhmay iyo ishii inoo baxaysey ee SNM.xukuumadii Ethiopiana waxay ku amartay in dib u soo guran.
 
Sida awgeed ayaa Mujahidiintii Snm ku soo galen dalka,xikmad Illahay ayay ahayd ilbaabka Ethiopia ee inaga xidhmay.illahay aya qadaray in uu gusha soo mariyo,meel aan laga filayn. 
Aniga oo ka duulaya tariikhda ina soo maratay iyo sida illahay wax u kala bedelo,ayamka an ku noolahay dunida.aniga oo wacyiga jira ku eegay gurtinimo,waxa soo socdana ku malayn kara xikmad iyo indher-garadnimo.
 
Waxan qaba in Nasriga iyo Guusha iyo Himilada umada oo laga midha dhaliya aay ku jirto ilbaabka Kulmiye oo illahay inaga Xidho,,bulshada waxan leyahay sharka iyo khayrka waxa idiin haya fartiina.
 
ugu danbeyntii waxan canbareynaya xadhiga afduubka ah,ee lagula kacay Marwo Sado dheer waxan ugu baqaya xukumada,in Marwada laga xishodo oo xoriyadeeda loo soo celiyo.
latliyaha musharaxa xisbiga Ucid 
Muse Mohamed Hagi Duale.
Birminham Uk. 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews