Nin Ay Isku Magac Yahiin Madaxweyne Siilanyo Oo Xabsiga La Dhigay , Iskuulkii Uu Macalinka Ka Ahaa Oo Hadley Iyo Taliye Fadal Oo Faahfaahiyey Sababta Loo Xidhay+Daawo Muuqaal
March 22, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Waxaa dhawaan magaalada Hargeysa lagu xidhay nin ay isku magac yahiin Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) isla markaana maamule ku xigeen ka ahaa iskuulka Nuradiin Qeybtiisa inamada sida uu sheegay mulkiilaha iskuulkaasi
Mahad Ibraahim Maxamed Maamulaha guud ee iskuulada Nuuradin ayaa waxaa uu ka hadley arintaasi , waxaana uu sheegay in ninkaas muwaadinka ah magacaas la odhan jiray ilaa yaraantiisii isla markaana magacana iskuulka uu la yimid muddo dhawr iyo toban sanno ah ka hor
Dhinca kale waxaa isna ka hadley sababta loo xidhay ninkan la sheegay in ay isku magaca yahiin madaxweyne Siilanyo taliyaha guud ee ciidamadaasi Cabdilaahi Fadal Iiman waxaana uu sheegay in uu ninkaasi magac uu sheegtay oo markii ay ciidamada Boolisku ogadeen isla markaana ay baadhis ku sameyeen uu bedelay magacii ugu qornaa markii hore Adeega Zaad ka oo uu ku bedelay “Xadi ” halkii “Siilanyo” Aheyd