Marin Habaabiye Marxuum Hanuunsan Sidiina Waa Lagu Xukumay.Imika Macallinkan Lagu Xidhay Madaxweynaha Ayaad Isku Magac Tihiin, Arrintiisa Biyo-dhaceedu Ma Waxa Uu Noqonayaa”Ku Maxaabsade Magac Madaxweyne!”
March 23, 2017 - Written by Berbera Today
Waxa igu maqaalo ah in wakhtigii uu Siyaad Barre talinayay nin sakaraaday, isaga oo sakaaratul-mawdkii ku jira ayuu haddana kolba heesihii kacaanka mid ku dhuftaa. Mid wadaad ahaa oo ay ina adeer ahaayeen ayaa u yimid. “Waar ina adeerow iska ashahaado” ayuu ku celceliyay. Ugu danbeyn waxa uu ku guuleystay in ay naftii ka baxdo isaga oo ashahaadanaya. Ninkiina sidii ku god gal. Wadaadkii ayaa la soo qabtay oo garbo-duub maxkamadda lagu geeyay iyada oo lagu haysto sababta uu sidaa u yeelay, waxaana lagu qaaday kiis markaas ugub ku noqday dhegahii shacabka oo lagu magacaabay “Marin habaabiye marxuum hanuunsan!” Sidiina waa lagu xukumay.
imika macallinkan lagu xidhay madaxweynaha ayaad isku magac tihiin, arrintiisa biyo-dhaceedu ma waxa uu noqonayaa “Ku maxaabsade magac madaxweyne!”