berberatoday.com
Madaxweyne Siilanyo Oo Maanta Safar Ku Imanaya Berbera Iyo Sababta Socdaalkiisa
March 24, 2017 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamud(Siilanyo)iyo Wafti balaadhan oo xukumadiisa katirsan ayaa la filayaa inay galabta casarka safar kuyimaadan Xarunta Gobolka Saaxil ee Berbera iyaga oo ku sugnaan doona Sida la sheegay mudo laba maalmooda.

Safarka Madaxweyne Axmed Siilanyo ayaa lala xidhiidhinayaa Xadhig kajarka Warshada Hilibka Xoolaha lagu farsamayn doono oo dhismaheeda laga sameeyay cidhifka Bari ee Magaalada Berbera agagaarka Xarunta Xoolaha lagu qalo ee Berbera.

Sidoo kale waxa la sheegayaa inuu Madaxweynuhu uu xadhiga ka jari doono Laamiyo dhawr ah oo Maamulka dawlada Hoose ee Berbera ka hirgaliyeen daafaha magaalada Berbera iyo inta ka sokeysa jidadka magaalada Berbera uga baxa dhinacyada galbeedka iyo bariga oo burbur baahsani horee ugu habsaday balse hada Maamulka Golaha Deegaanka degmada Berbera dayactir balaadhan ku sameeyay saarayna Laamiyada nooca loo yaqaan Asfalka.

Warar kaloo aanu helnay ayaa waxa ayaa waxa ay sheegayaan inuu Madaxweyne Siilanyo uu booqan doono Dekeda berbera oo Xukumadiisu ka karisaysay Waxa lagu sheegay shirkada DP World ee waayadan danbe muranka badani ka dhex taagnaa shaqaalaha iyo Maamulka Shirkadaas Dekeda Berbera lagu wareejiyay ee Maalka iyo Macaash doonka ah.

Warshada Hilibka lagu farsamayn doono oo hore loo sheegay inuu Qaranka somaliland leeyahay Dawlada Isutaga Imiraatka Carabtuna Maalgalinayso ayaa warar hoose oo hada soo baxayaa waxa ay sheegayaan in uu Mulkiyad lahaansho ah usamaystay Wiilka awooda Badan ku leh Xukumada Madaxweyne Siilanyo ee Qaba Luul Axmed Siilanyo ee lagu magacaabo Baashe Morgan oo ku magacaaban Wakiilka Dawlada Somaliland ee dalka Isutaga Imiraatka Carabta,

Lahaanshaha warshadan Qaranka Somaliland Hore Loogu Magacaabay ayaa maalmihii udanbeeyay aad looga hadal hayay daafaha magaalada Berbera iyada oo wararka qaar sheegayaan inuu Wiilka Madaxweynuhu Sodoga Uyahay lahaanshaha Warshada Hilibka Xoolaha lagu farsamayn doono salka uu ugu dhigaayay Magaca Dawlada hase yeeshee uu marka hore ku talagalay inuu hantidan qaranka Lunsado.

Warar kaloo xogogaal ah oo aanu ka helayno Deegaamada Dacarbudhuq iyo Abdaal ayaa sheegayaa in dadka deegamadaas ku dhaqani guud jiida Berbera iyo hargaysa udhaxaysaa magaalooyiinkaa wada sudheen calanka Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddanio iyaga oo muujinaya mucaaradada xoogan ee ay uqabaan Xukumada Xisbiga Kulmiye iyo Madaxweyne Siilanyoba.

Masuuliyiinta Gobolka Saaxil iyo kuwa Xukumada kaga jira beesha deegaanka Gobolka Saaxil ayaa ku hawlanaa ilaa xalay sidii ay arinkaas uga hortagi lahaayeen iyaga oo la sheegay inay juwaano lacag ah la wareegayeen Degmooyinka Abdaal iyo Dacarbudhuq oo aad bulshada ku dhaqani ukacsan tahay iyaga oo ku eedeynaya Xukumada Madaxweyne Siilanyo iyo Xisbiga Kulmiye Wareejinta Dekeda Berbera, shaqaalaha shaqada laga eryay iyo bixinta Saldhiga ciidaan ee dawlada isutaga Imiraatka Carabta ee Berbera laga siiyay waxaana laga baqe qabaa inay Bulshada deegamadaas ku dhaqani kacdoon iyo mudaharaad ku qaabilaan Waftiga Madaxweynaha waxaana deegamadaas la geeyay ciidamo aad utira badan oo ah kuwa amaanka.

Ilaa Hada wararka naga soo gaadhaya Deegamadaas ayaa sheegaya in ilaa hada lays mari layahay oo calamadii Xisbiga Mucaaradka ah ee waddani deegaamadaas oo dhan sudhanyahay halka aan hal meel lagu aragkayn astaanka Xisbil Xaakimka Kulmiye oo laga sifeeyay dadkii deegamaaduna diideen dalabkii Masuuliyiinta reer Saaxil.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews