Wasiirka Duulista Hawada Dalka Isutaga Imiraatka Carabta Oo Berbera Imanaya Iyo Madaxweyne Siilanyo Oo Garoonka Diyaaradaha Berbera Kusoo Dhaweynaya Iyo Ujeedada Socdaalkiisa
March 26, 2017 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-labada maalmoods ee fooda inagu soo haya waxa imanaaya Magaalada Barbera Wefti Balaadhan oo uu hogaaminaayo Wasiirka Duulista ee Dawlada Imaaraatka Saif Mohammed Al Suwaidi,
Weftiga waxa Magaalada Berbera ku soo dhawayn doona Madaxweyne Siilaanyo waxanay Weftigu Booqan Doonaan Dekeda iyo Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Berbera
Ka dibna weftiga iyo Madaxweyne Siilaanyo waxay diyaarada usoo raaci doonaan Magaalada Hargeysa oo soo dhawayn loogu samayn doono, waxana shir lagu yeelan doona xarunta Madaxtooyada.
Waa markii u horaysay ee wefti balaadhan oo ka socda imaaraatku yimaadaan Somaliland.
Waxa kaloo la sheegay inay Wasiirka wehelinayaa Saraakiil Ciidan iyo khabiiro dhinaca Ciidamada Milatariga ah kuwaas oo qiimayn iyo indha indhayn ku samayn doona Garoonka diyaaradaha Berbera iyo Goobaha ay ka dhigan doonaan fadhiisimada Ciidamada huwanta ah ee dalalka Carabtu.
Saraakiishan iyo Khabiirada Wasiirka wehelinaaya ayaa dhalashadooda lagu sheegay Dalka Masar iyo kuwom kaloo kasoo jeeda dalalka Yurubta bari oo calooshooda ushaqaystaal ah.
Imaaraatka ayaa haatan raba in uu la wareego garoonka diyaaradaha ee Berbera dhawaana waxay la wareegeen dekeda Berbera iyada oo dhamaan qaabki Dekeda iyo Garoonka Diyaaradaha Berbera Saldhjiga Ciidan looga Samaynayaaba yihiin kuwo shuruucda dalka utaala baalmarsan oo aan sharci ahayn Bulshada reer Somalilandna aanay ogolayn golayaasha sharci dajinta qaab jujuub ah iyo laaluush lagu meel marsaday.