Xildhibaanada Xamar Oo Mooshin Caqabad Ah Ka Keenay Xukuumada Cusub
March 27, 2017 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Caqabad siyaasadeed ayaa soo waajahday golaha cusub ee uu soo dhisay raysalwasaaraha dawaldda Somaliya Mr. Xasan Khayre, waxaana ka horyimid 105 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Somaliya.
Qoraal ay baarlamaanku diyaariyeen oo mooshin ah ayaa waxay ku sheegeen in raysalwasaaraha cusub uu garab maray saami qaybsiga beelaha Somaliyed, sidaas darteedna loo baahanyahay inuu dib u eegis ku sameeyo golihiisa xukuumadda. Guddoomiyaha baarlamaanka Somaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa raysalwasaaraha u gudbiyay soo jeedinta xildhibaanada, waxaanu ugu baaqay inuu tixgeliyo soo jeedintan oo uu u arkay mid sax ah. waxaanu Mr. Jawaari yidhi “Kadib markii aan aragnay habka loo magacaabay golaha wasiirada waxa noo soo baxday in la garab maray habka awood qaybsiga beelaha laguna soo magacaabay xukuumadda qaab aan waafaqsanayn aragtidii awood qaybsiga ay hore beelaha soomaaliyeed ugu heshiiyeen taas oo aan is leenahay inay baal marsan tahay rajadii umaddu ka lahayd xukuumadda cusub.