Mishiin Sheegi Lahaa Baabuurta Aan Cashuurneyn Oo Wasiir Samsam Dhigtay Kaantaroolka Galbeed Ee Magaalada Hargeysa Oo Fashilmay Iyo Waxa Fashiliyey .
March 28, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka wasaarada Maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa waxaa ay dhawaan labada kaantarool ee laga soo galo lagana baxo caasimada Somaliland dhigtey Mishiino casri ah .

Mishiinadaas oo baabuurta aan cashuurneen iyo kuwa cashuuran kala sheegaya ayaa waxaa muddo yar ka dib fashilmay mid ka mid ah mishiinadaas kaas oo ah kii la dhigay Kantaroolka galbeed ee magaalada Hargeysa