berberatoday.com
Afkaaga Oo Aad Ka Faantaa Waa Gunnimo. W/Q Ahmed Muse Ismail
March 28, 2017 - Written by Berbera Today

Afkaaga oo aad ka faantaa waa gunnimo.

Qof kastaa waxa uu fekeraa ama uu fagaare kaga hadlaa inta eray ee afkiisa uga keydsan.

Af Soomaaligu waa luqadaha ugu hodansan afafka lagu hadlo, eraygiisa ayaa u baahan in aynu hawl gelino oo adegsano. Afafka qalaad baa ina geyaysiiyey in aan xoorno oo uu inaga tasoobo, waxaana lumay haybaddii uu bulshada ku dhex lahaa.
Qabyo aan la isaga iman awdisteeda ayaa si qaro weyn nusqaantiisaa u ban bixisay. Dhigidiisa iyo dhihidiisaba qabyo iyo dhinaansho baa ku duugan.

Tus: labadan erey hadii qof qalaad loo qoro way ku adkaanaysaa in uu kala sooco: #miyi iyo #miyi. Waa laba eray oo kala macne fog, oo kala dhawaaq ah,se qoraalkoodu isu eg yahay. “Maxaad midhaha ugu miyi, u buuxi sacabada”. Waa hawraar erayga miyi ee ku jiraa uu sheegayo; xaddi, tiro ama faro. “Goormay degmada noo miyeen daw gal baa jira’e”. Qamaam bulxan.
Mar labaadka erayga miyi waa deegaanka xoolo daaqsimeedka ah ee reer guuraagu oollo, ee aan magaalo ama tuulo midna ahayn. Tus: weligay miyi kuma noolaan, waxaan ku barbaaray ama kacaamay magaalo”. Erayga miyi ee deegaanka reer guuraagu , xarafka y-da ku jirta dhawaaq ahaan waa culays, balse, erayga kale isaga y-diisu waa fudeyd .

 

W/Q Ahmed Muse Ismail

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews