Wasiir Ku-xigeenka Amniga Maxamed Muuse Diiriye Iyo Xildhibaan Ina Dhulcun oo Doonaya Inay La Wareegaan Qalab Uu Leeyahay Ganacsade Xamaada
March 28, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiir-ku-xigeenka wasaarada arimaha gudaha somaliland Maxamad Muuse Diiriye iyo xildhibaan Cabdulcasiis Dhulcun oo la kaashanaya wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi ayaa shaadh dawladeed u soo gashaday inay kula wareegaan qalab iyo gaadiid ay leedahay shirkadda dhismaha ee Prime Somaliland Sultan limited taasoo kaga diiwaangashan Xeer-ilaalinta Somaliland inuu 50% leeyahay Maxamed Xasan Alsoomaali(Xamaada) oo ah muwaadin Sucuudi ah oo asal ahaan ka soo jeeda Somaliland halka saamiga intiisa kale uu leeyahay nin Sucuudi ah oo dibadda degani.Hadaba ku-xigeenka Amniga Maxa’d Muuse Diiriye iyo Xildibaan Dhulcun ayaa waxay horaanti todobaadkii hore xeer ilaalinta ka dhaadhiciyeen in Xamaade aanu laheyn shirkaddan oo niman ka wakiil ah mulkiilahii shirkaddu ay Hargeysa joogaan una yimaadeen in lagu wareejiyo hantidii shirkadu laheyd sidaas darteedna ay daruuri tahay la soo badho hantida shirkaddan taasoo ay xeer-ilaalintu u gubisay CID-da.Hadaba iyadoo aan baadhistii laga gun gaadhin ayaa Maxamed Muuse Diiriye iyo Mr Dhulcun waxay iyagoo adeegsanaya ciidanka dawladda ay weerar ku qaadeen xeradii shirkadda Prime Somaliland Sultan oo ku taala meel ku dhaw kontaroolka Hargeysa looga baxo dhinaca Gabilay iyadoo ay ku andacoonayaan in la isku haysto oo rabshadi ka taagantahay taasoo aheyd been aan waxba ka jirin,waxaanay waliba halkaas ku jajabiyeen qufuladii ku xidhnaa koonteenaro farabadan oo uu qalab ku jiray isla markaana waxay xeradii dajiyeen ciidan bilays oo iyaga ka amar qaata.
Xeer-ilaalinta ayaa waxa mar dambe u cadaatay in labada nin ee ay Max’d Muuse iyo Dhulcun uga dhigayeen inay shirkadda ka wakiilyihiin ay sitaan wakaalad khusaysa dalal Yurub ah oo aanay habayaraate Somaliland wax shuqul ah ku laheyn.Waxa kale oo la ogaaday in labada nin aanay aheynba Sucuudiyiin balse ay yihiin Falastiiniyiin.Inkastoo ay Xeer-ilaalintu qoraal ugu sheegtay CID-da inay joojiyaan baadhitaankaasi oo askartiina laga kaxeeyay xeradii hadana saaka subaxdii ayuu Maxamad Muuse Diiriye waashmaanadii xerada ilaalin jiray intu xoog ciidan kaga saaray ku yidhi mushahar kiniina anigaa bixinaya ee xafiiska iigu kaalaya ayuu ku badalay 7 ay ina Dhulcun isku haybyihiin,waxaana laga baqayaa inuu isku-dhac foolxumi ka bilaabmo halkaasi. Madaxtooyada,wasiirada, ‘badhisaabyada iyo xildhibaanada xisbiga Kulmiye ayaa markii ay soo gabogabeeyeen boobkii iyo kutagrifalkii ay ku hayeen hantidii guud ee ummadda ka dhaxaysay waxay haatan u jeesteen dhinicii hantida gaarka loo leeyahay iyadoo baryahan uu dambeeyey todobaad kasta la maqlo dhacdo cusub oo ay nimankaasi mamay ku boobayaan maalka xaqunaaska ah.