Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Ku Guul-Daraystey Shaqadii Xafiiska Afhayeenka Iyo Warbaahinta Madaxa Banaan Oo Qaaday Talaabo Masuulkan Galaafan Karta
March 29, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Xuseen Aadan Cige Dayr oo xilka Jagada Afhayeenka Madaxtooyada markii labaad haya ayaa ku guul daraystey qabashada hawlihii uu u igmanaa xafiiska uu masuulka uga yahay Madaxwayne Siilaanyo.
Afhayeen Xuseen Aadan Cige ayaa mudadii uu xilkaasi hayay waxa meesha ka baxay wada shaqayntii iyo xidhiidhkii qotada dheeraa ee u dhaxeeyey Warbaahinta Madaxa Banaan iyo xafiiska Afhayeen ee Madaxtooyada.
Waxaanay xidhiidhka xumaadey ee Warbaahinta iyo xafiiska uu masuulka ka yahay ay keentey in gabi ahaanba warbaahinta madaxa banaan ay Habeenkii xalay ahaa joojisey sii daynta warkii soo laabashada Madaxwanaha Somaliland oo si diiran shacabkiisu ay ugu soo dhaweeyeen Caasimada Hargeysa ka dib markii uu ka soo laabtey Safarkii Gobolada Saaxil iyo Togdheer.