berberatoday.com
Gudoomiyaha Ahna Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi Oo Qaranka Somaliland Ka Tacsiyeeyay Geerida Agaasimihii Guud Ee Wasaarada Gaashaandhiga Marxuum Cabdikariim Xaashi Cilmi
March 31, 2017 - Written by Berbera Today

TACSI GUDDOOMIYE
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi isaga oo ku hadlaya afka Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, laamaha kala duwan ee xisbiga iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, qaranka iyo guud shacabka Somaliland ee uu ka baxay Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Marxuum Cabdikariin Xaashi Cilmi oo ku geeriyooday cusbitaal ku yaal dalka Hindiya caawa oo taariikhdu tahay 30 March 2017, halkaas uu u tagay xaalad caafimaad.

Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu ku tilmaamay Marxuum Cabdikariin Xaashi Cilmi halyey taariikh wayn ku lahaa dalka oo naftiisa iyo aqoontiisaba u soo huray badbaadinta iyo horumarinta dadka reer Somaliland, isagoo ahaa sarkaalkii la wareegay taliskii iyo hoggaamintii dagaalkii cuslaa ee Burco-duuray ku dhexmaray xooggagii SNM iyo ciidammadii Siyaad Barre 17/10/1984-kii oo uu weliba ku dhaawacmay, kadib markii uu ku geeriyooday Taliyihii hoggaaminayey ciidankii SNM Mujaahid Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle). Waxa kaloo uu door wayn ka soo qaatay nabadayntii, dib-u-dhiskii iyo horumarinta hannaanka dawladnimada Somaliland oo uu ka soo qabtay xilal iyo shaqooyin kala duwan.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, shacabka iyo Qaranka Somaliland-na uu Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

 

Xafiiska warbaahinta xisbiga Warbaahinta Kulmiye

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews