berberatoday.com
Koox Wasiiro Xukumada Siilanyo Katirsan Oo Socdaal Dag Dag Ah Berbera Kuyimi Iyo Wiilka Madaxweynuhu Sodoga Uyahay Ee Baashe Morgan Oo Hogaaminaya+Ujeedada Socdaalkooda
April 2, 2017 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-In kabadan Sideed(8)Wasiir, Wasiiro Kuxigeeno, Agaasimayaal Guud iyo Masuuliyiin kaloo badan oo Katirsan xukumada ayaa Maanta Duhurkii socdaal aan hore loo sii shaacin kuyimi Berbera waxana waftigan hogaaminaayay Wiilka Awooda Badan Ku leh Xukumada Madaxweyne Siilanyo Sodoga Uyahay Baashe Morgan.

Waftgan Ayaa waxa kamida wasiirada kujira Wasiirka Duulista Hawada Farxaan Aadan Haybe, Wasiirka Ganacsiga Iyo Maalgashiga Cumar Shuceyb Maxamed, Wasiirka Madaxtooyada Maxamud Xaashi Cabdi, Wasiiraka Arimaha Gudaha Yasin Faratoon, Wasiirka Hawlaha Guud Iyo Guriyaynta. Wasiirka Arimaha Debeda Sacad Cali Shire, Xanaanada Xoolaha Iyo kuwo kaloo Badan.

Socdaalka Masuuliyiintan ayaa Xogaha aanu ka helay sheegayaan in maalinta Beriya ay Garoonka Diyaaradaha Berbera Kasoo dagi Doonaan wafti Balaadhan oo kasocda dawlada isutaga Imiraatka Carabta kuwaas uu hogaaminaayo Wasiirka Duulista Hawada Dalka Isutaga Imiraatka Carabta Saif Mohammed Al Suwaidi ayaa waxa wehelinaaya khuburo dhinac ciidamada ah oo eegi doona fadhiisimada iyo garoonka diyaaradaha Berberra ee Saldhiga ahaanta looga kireeyay Dawlada Isutaga Imiraatka Carabta.

Waxa kaloo iyana la sheegay inay waftiga qeyb ka yihiin Masuuliyiin Sare oo Kasocda Shirkada DP World ee Xukumada Madaxweyne Siilanyo Ka Kiraysay Maamulka Iyo Macaashka Dekeda Berbera Kuwaas oo iyaguna Eegi doona Goobaha loogu talagalay  Free Zoneka ama Ganacsiga Xorta ah ee Dekeda Berbera Ku fidi doonto ama la dajin doono Shirkadaha la sheegayo inay dalka Maalgashi ahaan iman doonaan waxaanay  Masuuliyiinta Shirkada DP World ka war heleen in guud ahaan dhulkii heshiiska lala galay ku jiray ee Free Zoneka ahaa dhamaantii lawada Bixiyay oo dad shacab ah iyo Ganacsato sharciyo loogu wada Sameeyay halka ay qaarkoodna hore ulahaayeen, Sidoo kale waxa iyaguna Boobka dhulkaas qeyb weyn ka qaatay Wasiiro uu kamida Yahay wasiirka Madaxtooyada Maxamud Xaashi cabdi Iyo Wasiirka Xananada Xoolaha Cabdillahi Cukuse labadan Wasiir ayaa qaatay dhulal badan oo goobihii Free Zoneka loogu talagalay ah oo dayrar iyo Sees ku samaystay waana ta keentay in waftigan Xaqiiqo raadinta ah shirakad DP World soo dirato.

Warar kaloo aanu helnay ayaa waxa ay sheegayaan in Wasiiradan uu hogaaminayo Wiilka Awooda Badan xukunka Madaxweyne Siilanyo Kuleh ee uu Madaxweynuhu sodoga Uyahay ay sidaa amar xaga sare laga Soo faray kaas oo sheegaaya in dhamaan goobahaas Free Zoneka ahaa ee dhulkooda La boobay ee sharciyada loo haysto La baabi,iyo oo lagu wareejiyo Shirkada DP World dadkii lahaana lagu wargaliyo in dhulkaas ahaa dhul dawladeed oo shirkadan laga Kireeyay.

Dhulkaas la baabi,in doono ayaa waxa intiisa badan lahaa oo gaydhadh waaweyn ku xeertay Ganacsato ay kamid Yihiin Dahabshiil,Ilama Faarax Xarbi Iyo Ina Awsiciid.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews