berberatoday.com
Kenya Tuug Bartilmaameedsata Dadka Timaha Dhaadheer Si Ay Timaha Uga Goostaan
April 5, 2017 - Written by Berbera Today

Nairobi(Berberatoday.com)-Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa ay ka bilaabantay cabsi soo wajahda dadka timaha dhaadheer leh, kadib markii uu kor u kacay suuqa iibka timaha, taasina ay abuurtay in  ay bilaabmaan tuug bartilmaameedsata dadka timaha dhaadheer.

 

Sida lagu daabacay jariirada Nairobi News, tuugtan waxa ay timaha ka goostaan qof kasta oo ay u arkaan inuu timo dhaadheer leeyahay, kadibna waxay u iibgeeyaan meelaha la isku qurxiyo ee ay ka mid yihiin kooferada.

Inta badan waxa ay falalkoda fuliyaan waqtiyada dadku ay saaran yihiin gaadiidka dadweynaha sida basaska amma tagaasida.

“Markii aan raacay gaadhiga, waxa aan ka war helay laba nin oo dhallinyaro ah oo aan markii horreb ku arkay dukaana. Mid ka mid ah waxa uu xambaarsana shandada dhabarka lagu qaado, waannu I salaamay markii uu gaadhiga soo koray. Waxa aan fadhiistay kursiga labaad safka ugu dambeeya. Markii aan degay waxaan xaqiiqsaday in timahaygii laalaabnaa ay fududaadeen, waaban taabtay, waxaanan ogaaday in la igaba goostay. Waxa aan ka shakiyey labadii I daba socday, balse waabay tegeen mar hore,” ayey tidhi Brenda Okwiri oo dhacdadan la soo daristay, wargeyska Nairobi News u warrantay.

Labiska iyo qurxinta imaha waxa aad u dalbada macaamiisha amma dadka timaha laalaaban ee dhaadheer jecel, iyadoo looga keeno qof kale oo lagaga soo goostay goobaha dadweynuhu isugu yimadaan, gaar ahaan gaadiidka.”Timaha laalaaban (Dreadlocks) dalab aad u sarreeya ayaa ay ka marayaan Nairobi maalmahan. Dadku way jecel yihiin, sababtoo ah waa fashiyoon, waanay fududahay in la helo. Waxa timaha qaar la siistaa KSh40,000 shillinka Kenya ah oo u dhigma $400 doollar. Kuwo kale waxa la siistaa KSH20,000 ($200),  qofkiiba wuxuu heli karaa lix iinj timo dherarkoodu yihiin. Haddii la helo timo ajenebi aad bay u qaali tahay.” ayuu yidhi Fred Benzo oo ay dadka timaha qurxintooda ku shaqaysa.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews