Dawladda Kenya Oo Somaliya Kaga Baxday Heshiis Ay Dhawaan La Saxeexatay Iyo Kenyatta Oo Loo Arkay Ninkii U Horeeyay Ee Dhabarka ka Toogtay Farmaajo
April 6, 2017 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Dawladda Kenya ayaa jabisay heshiis dhinaca duulimaadka ku saabsan oo ay dhawaan magaalada Nayrobi kula gashay madaxweynaha Somaliya Mr. Maxamed Cabdillaahi Farmaajo. Heshiiska waxa saxeexay madaxweynayaasha Kenya iyo Somaliya.
Heshiiskaas ayaa dhigayay in Kenya joojiso duulimaadyada ka taga Muqdisho ee dalkeeda u socda ee sii mara Wajeer oo aad loogu baadho islamarkaana duulimaadku si toos ah u tago magaalada Nayrobi, waxaana maalmo ka hor Muqdisho ka baxday diyaaradii u horaysay oo toos u tagtay Nayrobi.