Daawo Muuqalka”Xuska Asaaska Ururkii SNM Oo Maanta Berbera Laga Xusay Iyo Masuuliyiintii Hayadaha Dawlada Oo Ka Muquurtay Inay Kasoo Qeyb Galaan
April 6, 2017 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Maanta oo taariikhdu ahayd 06.04.2017 ayaa waxa ay ku beegnayd 06.04.1981 oo ahayd maalintii lagu dhawaaqay asaaska ururkii SNM ee dib uxoraynta iyo dagaalka adag la galay Taliskii Macagaga ahaa ee xasuuqa ka gaystay Somaliland ee uu hogaaminaayay gacan ku dhiigle Maxamed Siyaad Bare.
Xuskan oo maanta lagu xusaayay guud ahaan Gobolada iyo Degmooyinka somaliland ayaa kiisii lagu qabtay magaalada Berbera waxa aan haba yaraatee kasoo qeyb galin guud ahaan Madaxda Haayadaha dawlada iyo cid kaliya oo ka socotay Xukumada Waxaana Xuskaas ku kaliyaystay xubvnaha Mujaahidiinta SNM iyo Gudoomiyohooda. iyo sidoo kale dad yar oo kooban oo kamida shacabka reer Berbera iyada oo Xuskaas lagu qabtay Xarunta jimciyada Mujaahidiinta SNM ee Berbera hase yeeshe aan qiimihii uu xuskaasi lahaa aan la marinin.