berberatoday.com
Xukun Maxkamada Sare Ka Soo Saartay Lahaanshaha Iyo Wakiilnimada Shirkada Prime Oo Madaxtooyadu Ku Gacan Seydhay Iyo Ciidamo Ilaalo Ka Ahaa Qalabka Shirkadaas Oo Xukunka Maxkamadu Kaga Qaaday Oo Dib Madaxtooyadu Ugu Celisay
April 6, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Maxkmada Sare ee Somaliland ayaa uxukuntay Nin Lagu Magacaabo Maxamed Xasan Ismaaciil(Xamaada)Lahaanshaha Iyo Wakiilnimada shirkada Prime oo qalab aad ubadani Dalka Somaliland uyaalo oo waayadanbe dacwad ay kula jireen Laba Xildhibaan oo kasoo jeeda Beesha Madaxweyne Siilanyo oo katirsan Golaha Wakiilada Somaliland kuwaas oo kala ah Xildhibaan Cabdicasiis Dhul Cun iyo Xildhibaan kale oo lagu sheegay magaciisa Farxaan.

 

Dacwadan oo in mudo ah ka socotay Maxkamada sare ee Somaliland ayaa waxa ay ku doodayeen Labadan Xildhibaan ee kasoo jeeda Beesha Bariga Burco inay Wakiil ka yihiin Qalab aad utira Badan oo shirkadaasi Prime leedahay oo yaala dalka qalabkaas oo isugu jira Cagafyo,Wiishash, Gaadiid iskarogooyin ah oo badan iyo Guryo sidad gaadiidka loo jiidayo iyo waliba qalab kaloo badan oo ah kuwa ay ku shaqeeyaan Kambaniyada dhismaha iyo Macdan qodida ee waaweyni.

Ninka loo xukumay lahaanshaha iyo wakiilnimada qalabka oo sida ay hore usoo sheegnay lagu magacaabo Maxamed Xasan Ismaaciil(Xamaada) ayaa isagu doodiisu ahayd inuu shirkada qeyb leeyahay oo ay shuraako kuyihiin niman carbeed kuwaas oo cadeeyay inay qalabkaas iyo shirkadaas ninkaas xamaada ku ogyihiin.

Maxkamada sare ayaa dacwadaas uxukuntay Ninkaas Xamaada Layidhaa oo kasoo jeeda Beesha Galbeedka iyo Waqooyiga Hargeysa ahna nin taabiciya oo Sucuudiyan ah.

Xukunkii Maxkamada Kadib ayaa Waxa Laga Qaaday Ciidamo tira badan oo Xarumaha Shirkadaas ee qalabku yaalo ilaalinaayay oo hore loo dhigay mudadii dacwadu socotay waxaana ka qaaday Ciidamadaas Taliyaha Ciidanka Booliska Cabdillahi Fadal Iimaan Iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Yasin Faratoon oo Maxkamada sare amarka fulinta ah ee Xukunkaas iyo in Ciidamadaas laga qaado Xrumaha Shirkadaas ku socodsiisay.

Markii Ciidamadaas Laga qaaday  Xarumaha shirkadaas Prime Saacado yar kadib ayaa waxa amar Madaxtooyada kasoo baxay oo Xukunkaas baalmarsan lasoo faray Wasiiru dawlaha Arimaha Gudaha Maxamed Muuse Diiriye oo lagu amray inuu Ciidamadii laga soo qaaday Xarumaha Shirkadaas ee ku kala Yaala Hargeysa  Iyo Duleedka Tuulada dhubato oo qalabku yaalo waxaanu wasiir Maxamed Muuse Diiriye isla markiiba ciidamadii ku celiyay goobihii lagaga qaaday Xukunka Maxkamada sare taas oo umuuqata in qaab sharcig dalka uyaala baarmarsan oo qabiiliya loo adeegsanayo awoodii Madaxtooyada waxaana la sheegay inuu amuurtaas ka danbeeyo Wasiirka Madaxtooyada Maxamud Xaashi Cabdi oo awoodii Madaxtooyada kaga horyimi Xukunkii Maxkamada sare ilaa hadana waxa ciidamo boolis ah sife baadil ah hantidiisii uga haystaan ninka lagu magacaabo Xamaada oo Xukunka Maxkamadu udhacay fulintiina ay Taliyaha Booliska Somaliland iyo wasiirka Arimaha Guduhu Fuliyeen hase yeeshee Madaxtooyadu awood ku diiday Xukunkaas iyada oo garab baadil ah siinayso Xildhibaanada Kasoo jeeda Beesha madaxweyne Siilanyo ee Cabdicasiis Dhul Cun Iyo Xildhibaan Farxaan nin lagu magacaabo oo labaduba kujira golaha Wakiilada Somaliland.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews