Haweenay 91 Jir ah oo Qaadatay Shahaadada PhD, Muddo 30 Sanno ahna Qoraysay Buugga Qallin-jelinta
March 20, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Haweenay 91 jir ah, ayaa noqotay gabadhii ugu da’da weynayd dalka Faransiiska ee hesha shahaadada PhD, kadib markii ay dhammaystirtay buugga qallin-jebinta (thesis) oo ay muddo soddon sanno ka hor ah bilawday.
Islaantan duqda ah oo la yidhaah Colette Bourlier waxa la siiyey abaalmarino sare oo kala duwan dhabar adayga iyo samirka ay u samaysay in ay dhammaysato aqoonteeda sare, taasoo Salaasadii toddobaadkan buugga ay 30 sanno qoraysay ka hor difaacday guddi Jaamacadda University of Franche-Comte ee magaalada Besancon ee bariga Faransiiska.