Dalka Sweden”Dad Ku Dhintay Weerar Loo Adeegsaday Gaadhi Nooca Xamuulka Qaada Ah
April 7, 2017 - Written by Berbera Today
Stockholm(Berberatoday.com)-Gaadhi xamuul ah ayaa la jiidhsiiyay Tukaan ku yaalla badhtamaha Caasimadda Dalka Sweden ee Stockholm, waxaana halkaa ku dhintay Saddax qof, sida uu sheegay boolisku iyada oo goobta shilkani kadhacayna ahayd goob laga dukaamaysto oo Mool ah.
Dhowr qof oo kale ayaa ku dhaawacantay dhacdadan oo ka dhacday waddo mashquul badan oo ku taaalla aaga Drottninggatan.
Ra’iisalwasaaraha Sweden, Stefan Lofven waxa uu sheegay inay suuragal tahay inuu yahay weerar ay ‘argagixiso’ ka dambeysay.
