War Deg Deg Ah”Maxkamada Gobolka Hargeysa Oo Xukun Ku Riday Cabdimaalik Muuse Coldoon Iyo Mudada La Xukumey
April 8, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Maxkamada gobalka Maroodi-Jeex ayaa waxaa ay saaka xukun ku
ridey Cabdimaalik Muuse Coldoon oo mudooyinkii ugu danbeyey xabsiga Hargeysa Ku jiray .

Maxkamada ayaa waxaa ay Cabdimaalik ku xukuntey laba Sanno oo xadhig ah oo aan laheyn wax ganaax ah .
Balse qareenadii u doodaayey ayaa sheegay in xukunkaasi uu yahay mid la siyaasadeeyey isla markaana ay anbiil ka qaadan doonan.