Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Ka Hadashay Halka Ay Marayaan Wadahadaladii Somaliland Iyo Jabuuti Ee ku Saabsanaa Shaqaaqadii Jasiirada Ceebaad
March 20, 2016 - Written by Berbera Today
Jabuti(Berberatoday.com)-labada dawladood ee Somaliland iyo jabuti ayaa maanta si rasmiya uga heshiiyey shaqaaqadii dhinaca ciidamada badda ee todobaadkii hore ku dhexmartay ciidamada somaliland iyo Kuwo Jabuuti.
Shirar badan iyo wada hadal dhan walba ah kadib, waxaa dawlada jabuti qiratay inay ku dagaalantay biyaha somaliland dhexdeeda iyadoo dusha saaratay dilkii askariga iyo bixinta magtiisa halka ay xaal ka bixisay ku xad gudubka biyaha Somaliland.
Wasiirka arimaha gudaha Somaliland iyo wefti uu hogaaminayo oo dalka Jabuuti u tagay xalinta shaqaaqadan ayaa la sheegayaa in dhacdadaasi xal laga gaadhay sida lagu baahiyay Facebooga iyo Mareegta wasaarada arimaha gudaha Somaliland.