|
berberatoday.com
Ururka Muruq maalka ee Salfadoorka oo shaqadiisu tahay Rarista iyo Dejinta Dekeda Berbera waa in Xaqooda iyo Xuquuqdooda dhiman la siiyaa. qalinkii A/rahman fidhinle UK.
April 10, 2017 - Written by Berbera Today
Shaqaalaha Dekedu waa in aanay weysada dhawran ee waa in ay xaqooda iyo xuquuqdooda gaarka ah udacwoodaan si cokan oo Dimuqraadi ah, waana in ay Qareeno u dooda qabsadaan. Dhuuxa iyo duxda dimuqraadiyadu waxay koobaysaa in shaqsi kastaa xornimadiisa iyo xuquuqdiisu ay u cadaato oo uu helo, sidaa daraadeed waa in la ilaaliyaa xaqa iyo xuquuqda shaqaalaha ka shaqeeya Dekeda Berbera . Shaqaaluhu waxay xaq u leeyihiin in ay la xuquuq noqdaan shaqaalaha 37- kun ah ee DPWorld Dekedaha aduunka uga shaqeeya. Shaqaalaha Dekeda Berbera gaar ahaan Shaqaalaha Salfadoorka xuquuqdoodu kuma cada heshiiska mugdiga badani ku gedaaman yahay ee lagu dhaxal wareejinaayo Dekeda Berbera 30-ka Sanadood ee soo socda.
Shaqaalaha Dekeda Berbera ka hawl-gala maaha oo keliya *850* shaqsi ee pay role ka ku jira hase yeeshee waxaa jira ilaa *4000* oo kale oo shaqaale dadban ah oo Dekeda ku nool oo ka howl-gala sida Shaqaalaha Geele *A *iyo Geele *B,* shaqaalaha Salfadoorka, Shaqaalaha geel jiidka, Shaqaalaha Hoos-ugalaha, Shaqaalaha, Xeeb-uyaalka, shaqaalaha Barakataaliga, Shaqaalaha Cows gogolka, shaqaalaha Berbera morning group iyo shaqaalaha Saaxil groups. Waxaa iyana jira dad muwaadiniin ah oo rayid ah oo guno yar ka qaata , Marka laysku wada daro tirada guud ee shaqaalaha muruq maalka ah ee sida toos ah iyo sida dadbanba ugu nool Dekeda Berbera waxay gaadhayaan ilaa *5000* oo muwaadin. Taas oo dhamaan shaqaalahaas badankoodu aanay pay role ka ku jirin oo aanay xuquuqdoodu ku cadeyn Heshiiska lala galay shirkada imaaraatka ee macaash-doonka ah ee DPWorld.
Hadaba Waa Qayrul-sharci in 5000 ee qof ee shaqaalaha Dekeda Berbera ah, in 720 oo keliya xuquuqdooda la sugo oo shirkada DPWorld lagu wareejiyo dhamaan intii kalena la caydhiyo oo xaq yar oo faro guud kood ah loo qaybiyo oo debeda la dhigo qaarna lagu beer-laxawsado ” Sanduuq baanu idiin fureynaa laydinku caawiyo” iyo raashin baanu idin siindoonaa oo halkaa xuquuqdooda lagu duudsiyo. Waa Xaqdaro in intii yarayd ee pay rolka ku jirtay ee Dekeda lagu sii reebay in durba loo hanjabo oo xaqooda iyo xuquuqdooda la duudsiyo.Waa Xaqdaro in la san-duleeyo oo Gunooyinka iyo saacadihii dheeraardka ahaa ( over time ) Laga jaro. Waa xaqdaro in iyaga oo shirkad international u shaqeynaya in hadana uu mushajarkoodu uu ka sii yaraado kii ay hore u qaadan jireen.
Ururka Shaqaalaha Salfadoorka ee Rarista iyo Dejinta Dekeda Berbera oo tiradoodu gaadhayso ila 550 shaqsi waxaa dawlada iyo Dekeda kaga maqan lacag badan oo is gaadhay . Waxaa iyana ka maqan lacag gaar ah oo dawladihii kala danbeeyey ay ka jari jireen mudo aad udheer sidaa daraadeed maadaama ay Dekedii ay Shirkad Ajinebi ah oo macaash doon ihi ay lawareegtay waa in Shaqaalahaa muruq-maalka ah xaqooda iyo Xuquuqdooda oo buuxda la siiyaa. Waana in ay Shirkadaa dhaxal wareejisay ee DPW ay la gaan Heshiis cad oo rasmi ah si ay u helaan qiimaha rasmiga ah ee ay ku hawgelidoonaan mustaqbalka maadaama aan laga maarmin.
Waxaan idiinku soo garoocayaa qormadan: ” Waar maxaa ina Siyaad Laga daryee loola diriraayey ” Mar hadii Xukuumadu ay xaqii iyo xuquuqdii masiirkii ummadda ka horeysiisay hunguri dhaqaale, taas oo aan ummadda marna loo soo bandhigin Seyladaha ay xukuumadu kuwada xaraashtay Hal-bowlayaashii dhaqaale ee wadanka oo dhan. Xukuumada marna laga yeeli maayo in ay jumladaan Johoradii Qaranka ka dibna ay Hargo waraabe shacabka u soo xidhaan ee waa in ay joojiyaan dhiilo-hilashada iyo damaca qaawan ee danaha gaar ka ah huwan. ” Shacabow Tiraa Kaa gedmane wax isu geygeyso oo u dooda xaqiina iyo xuquuqdiina gaar ka ah ”
Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madaxbanaan
Intensive Advisor ED BD PA
United Kingdom
COMMENTS
|