“Mucaaridku Waxa Ay Is Diidsiinayaan Inuu Muuse Biixi Ka Soo Mudh-baxay Karin Kasta Oo Cidhiidhyoon Cagtana Saaray Wadadii Qasriga Madaxtooyada…”Cali-gurey
April 10, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiye-ku-xigeenkii saddexaad ee hore ee xisbiga UCID, haatanna katirsan xisbiga KULMIYE Md. Cali Maxamed Yuusuf(cali-gurey), ayaa si qoto dheer uga hadlay waqtigii uu mucaaridka ku ahaa xisbiga KULMIYE iyo murrashixiisa sidii uu u naqdiyi jirey iyo waxyaabihii udub-dhexaadka u ahaa mucaaradadaas, isaga oo sidoo kale shaaciyey inuu haatan kamid yahay taageerayaasha ugu dhaw ee uu guddoomiye Muuse Biixi leeyahay.
