Wasiirka Madaxtooyada Oo Xilalkii Ka Qaaday Sadex Masuul Oo Kamida Shaqaalaha Halbawlaha Ah Ee Madaxtooyada Mudo Dheer Ka Tirsanaa Iyo Ciyaal Uu Kala Soo Wareegay Wasaarada Duulista Hawada Oo Xilalkoodii Uu Umagacaabay
April 12, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Sadexdan Masuul ee Xilalka Laga Qaaday Oo Kala Ah Xisaabiyihii Wasaaarada Madaxtooyada Maxamud Digaale, Madaxii Hab Maamuuska(Paratocolka) Madaxtooyada Cabdiraxmaan Saqadhi Iyo Madaxii Kaydka Iyo Arkeefiyada Madaxtooyada Axmed Jaamac Ismaaciil ayaa waxa xilalka ay hayeen ka qaaday Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Maxamud Xaashi Cabdi.
Wasiir Maxamud Xaashi ayaa waxa uu Xilalkii uu ka qaaday sadexdan Masuul oo ka Ugu yari Madaxtooyada Ka shaqaynaayay 10 Sanadood Ka Ugu Badanina 22 Sanadood uu ku bedelay Shaqaale Dhalinyaro ah oo kala soo wareegay Wasaarada Duulista iyo Hawada kuwaas oo kamida ahaa shaqaalihii uu hore uqoray wasaaradaas Xiligii uu wasiirka Ka ahaa ahna caruur aan shaqada wax badan ka fahmayn hase yeeshee ku shaqaynaaya amarada guracan ee Wasiir Xaashia kasoo Baxaaya.