Laba Qodob Oo Ay Somaliland Iyo D Jabouti Heshiis Kaga Gaadheen Dalgaalkii Labada Cidan Ee Xeebeed
March 20, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladaha Somaliland iyo Djibouti ayaa heshiis rasmi ah ka gaadhay dagaalkii dhex maray labada ciidan xeebeed ee Somaliland iyo Djibouti toddobaadkii hore, halkaas oo uu ku geeriyooday mid ka mid ah askarta Somaliland ee ilaalada xeebuhu.

Heshiiskan, oo ka kooban laba qodob, waxa saxaafadda u akhriyay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade iyo wasiirka kalluumaysiga, badda iyo xanaanada xoolaha Maxamed Cawaale. Somaliland ayaa qiratay in markabkii kalluumaysi ee laga lahaa dalka Masar ee biyaha Somaliland ka kalluumaysanayay uu ku xad gudbay biyaha dalka Djibouti isagoo kalluun raadsanaya, halka ay Djibouti qiratay in ciidamadeedu ka dhex dagaalameen biyaha Somaliland iyagoo markabkaas baacsanayay. Wasiir Warancade, ayaa sheegay in ciidanka Djibouti ay soo galeen biyaha Somaliland, iyagoo eryanaya markabkaas, waxaanu sheegay inay Djibouti qaadatay khaladkaas iyo inay bixiso magta askarigaas reer Somaliland.